Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Jowhar falls to TFG forces.

Recommended Posts

Jowhar: Dawladda federaalka oo la wareegtay Jowhar.

 

Arboco, December 27, 2006

 

Jowhar(AllPuntland)- Magaalo madaxda gobolka Shabeellada dhexe ee Jowhar ayaa lagu soo waramayaa inay gashay gacanta dawladdda federaalka Soomaaliya.

 

La wareeggidda dawladda ee Jowhar ayaa timid kadib markii maxkamadaha Muqdisho looga awood roonaaday dagaal kharaar oo ka dhacay duleedka waqooyi ee magalada Jowhar.

 

Dagaalka ayaa waabarigii saaka si xawli leh uga socday magaalada Jowhar , waxaase warar lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in ciidamo kale oo uu wato Maxamed Dheere inay kasoo galeen dhinaca koonfureed ee magaalada Jowhar.

 

Maxkamadaha ayaa isaga cararay magaalada Jowhar kadib markii cadaadis xooggan uu labada dhinacba kaga yimid, waxaana wararku tilmaamayaan in maxkamaduhu u baqooleen Muqdisho.

 

Maxamed Dheere iyo Ciidankiisa ayaa si rasmi ah gudaha ugu jira magaalada Jowhar, oo uu hadda ka hor ka ahaan jiray guddoomiye gobol.

 

Odayaasha iyo wax garadka Jowhar ee taageersanaa dawladda federaalka ayaa dadka degmada Jowhar ku boorinayay inay is dajiyaaan oo aysan wax dhib ah la kulmaynin.

 

Dawladda ciidankeeda ayaa la filayaa inay dhinaca Balcad u dhaqaaqaan, waxaana ay iminka ciidanka dawladdu 90km oo kaliya u jiraan magaalada Muqdisho.

 

CCC Farayaamo

AllPuntlan

Share this post


Link to post
Share on other sites

I didn't know maraxa iska daacsada ee Maxamed Dheere in uu kamid ahaa non-existent dowlad ku sheega. Whatever happened to "waa odey ciyaal suuq ah, oo barkimaha iyo joodariyaashii naga xaday xataa..." :D

 

And Cabdi Qeybdiid asagana ma lagu daray dowlad ku sheegii burburtay?

 

Even hadee ku jiraan, iyaga ma qabsan degmooyinkaan, ee Xabash ayaa qabsatay. Don't be cocky about wax Xabashada qabatay. Max'ed Dheere lix bilood baahi maku disheen Quracjoome iyo agagaarkaas haduu kaligiis wax tari lahaa. Be your own man. Rag iska dhig.

 

Anyway, I will await "odeygaan ciyaal suuqa ah..." burst deja vu.

Share this post


Link to post
Share on other sites

JOWHAR: Jowhar oo ay la wareegeen Ciidamo Taageersan DFKS.

 

Posted to the Web Dec 27, 10:22

 

Jowhar:(pp)- Warar deg-dega oo naga soo gaaraya degmada Jowhar ayaa lagu xaqiijinayaa degmada Jowhar ay la wareegeen Ciidamo taabacsan DFKS oo uu horkacayo Maxamed Cumar Xabeeb Maxamed-Dheere oo Juuntii la soo dhaafay laga wareegay maamulka Deg-madaas.

 

Maxkamadaha ayaa isaga cararay magaalada Jowhar, kadib markii looga awood roonaaday gacan kuhaynta magaalada Jowhar , waxaana Maleeshiyaadka Maxaakiimtu usoo dhaqaaqeen dhanka Balcad oo ay difaac ka xirteen.

 

Maxamed Dheere ayaa lagu soo waramayaa inuu dadka shacabka ah ugu baaqay inay Xasiloonida ka shaqeeyaan , si loo sugo nabadgelyada Degmada Jowhar.

 

Warkaas oo si fiican u faah-faahsan kala soco Puntlandpost dhowaan.

 

Puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DFKMG & kuwa Maxamed Dheere oo la wareegey Jawhar.

 

Last Updated::2006-12-27 11:53:01

 

Jawhar: Ciidamada dawladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Maxamed Dheere ayaa si buuxda ula wareegey gacan ku haynta magaalada muhuumka ah ee Jawhar

kadib dagaal qaraar oo ka dhacay duleedka magaaladaas kaas oo khasaare naf iyo maalba leh geystey.

 

Intii aan ciidamada is kaashanaya aanay nadiifin magaaladaasi ayaa malleyshiyaadka maxkamaduhu ay bililiqo xoog leh ka geysteen magaaladaas iyaga oo markaas kadib u cararay dhinaca magaalada Muqdisho.

 

Ciidamada gaarey magaalada Jawhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa haatan ku hawlan sidii ay magaalada ugu soo celin lahaayeen amarkii iyo kala dambayntii waxana ay dadweynuhu bilaabeen in ay gacan siiyaan xoogagga dawladda federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Maxamed Dheere oo ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellaha Dhexe, awooddana ay haatan ka hor xoog kagala wareegeen malleyshiyada maxkamadaha Muqdisho.

 

Horseednet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this