Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI oo si kulul uga hadlay xadhigga wariye Maxamed Ilig iyo maxkamadayntiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa qoraal uu soo saaray ku cambaareeyay xadhiga wariye Maxamed Ilig.

Sidoo kale waxa uu sharcidarro weyn ku tilmaaneen in Maxkamad Ciidan la horgeeyo qof Saxafi  ah oo shacab ah.

“In suxufi rayid ah la horgeeyo maxkamad millatari gabi ahaanba waa sharcidarro, waana arrin ugub ah oo ina tusaya in la doonayo hirgelinta xukun millatari iyo in dimuqraadiyadda meesha laga saaro.

Saxaafadda madaxabannaan kaalin mug weyn ayaa ay ugu jirtaa dawladnimada iyo taabbagelinteeda. Xuquuq ayayna leeyihiin saxafiyiintu uu Dastuurka Qaranku u dammaanad qaaday, wixii loo haystana waa in isla habka dastuurku dhigayo loo maraa oo sharciga aan marnaba la baal marin.

Si adag ayaannu u cambaaraynaynnaa falka lagula kacay saxafi Maxamed Ilig, waxana aannu ku baaqaynnaa in si degdeg ah uu xorriyaddiisa u helo!

Warbaahintu dambi ma aha!”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this