Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada oo la Kulmay Maamuleyaasha Dugsiyada sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Waxbarashada oo la Kulmay Maamuleyaasha Dugsiyada sare
IMG-20240113-WA0013.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Md Axmed Aadan Buuxane oo ay weheliniyaan Wasiirku xigeenka Wasaaradda Cabdixakiin Siciiid Bustaale Gudoomiyeyaasha Jaamacadaha Hargaysa iyo Shaqaalaha dawlada Gudoomiye kuxigeenka Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka iyo Qaar ka mid Agaasime Waaxeedyada wasaaradda ayaa kullan la qaatay Maamuleyaasha Dugsiyada Sare ee dalka.

kulankan oo ujeedadiisu daarnayd wada tashi ku saabsan imtixaanaadka shahaadiga ah ee 2023/2024 oo ay jaamacaduhu qaadayaan, kullankan ayaa la isla meel dhigay qaabkii iyo hanaankii loo hirgalin lahaa hawshaa.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo sayniska oo halkaa ka hadlay ayaa ku dheeraaday Hadafka shirkan loo qabtay in ay tahay sidii maamulayaasha iyo wasaaradda waxbarashadu isula fahmi lahaayeen qaabka imtixaanka loo qaadayo iyo sidii ay ugu diyaar garoobi lahaayeen islamarkaana manhajka deg deg loogu dhameeyo ardayda si ay ugu diyaar garoobaan imtixaanka xilli hore. Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay In aan la badalayn qaabkii imtixaanka loo qaadi jiray balse kaliya la badalaayo goobta imtixaanka lagu qaadayo.

Maamulayaasha oo iyagu dhankooda halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay qorshaha cusub ee wasaaradda waxbarashada, kuna amaanay dadaalada ay wasaraddu ugu jirto sidii loo cidhibtiri lahaa qishka korna loogu qaadi lahaa tayada waxbarashada.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this