Sign in to follow this  
Deeq A.

Laba Xildhibaan oo Naqdiyay Miisaaniyadda 2024ka ee la Horkeenay Golaha Wakiillada

Recommended Posts

Deeq A.   

Laba Xildhibaan oo Naqdiyay Miisaaniyadda 2024ka ee la Horkeenay Golaha Wakiillada

Hargeysa(Qaran news)- Xildhibaan Mukhtaar Xasan Maydhane iyo Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xilli sharci darro ah ay golaha Wakiillada horkeentay aan ahayn kii xeerarku jideeyeen.

Maxamed Xasan Maydhane wuxuu sheegay in xeerka Maaliyaddu dhigayey in miisaaniyadda la keeno bisha August, hase ahaatee Wasiirka Maaliyaddu uu horkeenay 13ka Jenuwari.

“Waxa sharciga maaliyaddu dhigayaa in miisaaniyadda golaha Wakiillada la horkeenno bisha August. Wasiir Sacadna wuxuu wadaa miisaaniyada 13kii Jenuwari. Markaa waa in marka u horreysaba taas lagula xisaabtamaa. Shirgudoonkayaguna waxay diideen in Wasiirka Su’aalo laga weydiiyo shaqadiisa, “ayuu yidhi Maxamed Xasan Maydhane.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Abiib ayaa dhaliilay in saddexda qof ee u sareeya wasaaradda maaliyaddu ay yihiin isku beel taasina ay tahay Sawir xun oo ku yaalla dawladnimada Somaliland.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha in qalinkiisu uu miino xambaarsan yahay oo uu dalka u soo qaaday heshiis dhegaraysan.

Xildhibaan Maxamed Abiib wuxuu sheegay in ciidamada Qaranka oo duruuf adag ku nool haddana miisaaniyadda 2024ka lagu sheegay in dhaqaalaha dalka Boqolkiiba 49 la geliyay ciidammada.

Xildhibaan Maxaned Abiib wuxuu sheegay in ciidammada laga dhigtay meel lagu qarsado lacagaha la musuqayo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this