Sign in to follow this  
Deeq A.

Ninka ku dhashay Soomaaliya oo loo doortay maayarka magaalo ka tirsan Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Deegaanka ee SeaTac ayaa u doortay Maxamed Cigaal Maayarka magaalada, iyadoo Iris Guzman loo doortay Maayar ku xigeen.

Maxamed Cali Cigaal waxa uu ku dhashay degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, horraantii 70-meeyadii, waxbarashadiisa qaybtii hore waxa uu ku qaatay isla Jarriiban isaga oo markii dambe u soo gudbay Xamar, ilaa heer uu jaamacadda Lafoole ka qalin jabiyay.

Shahaadada jaamacadda ee 1aad wuxuu ku qaatay Biology/Agriculture oo uu ka qaatay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, shahaadada Hoggaaminta Sare ee Machadka Hoggaaminta ee Washington, ayuu sidoo kale ka qaatay Tacoma, Washington.

Ugu dambeyn waxa uu Maxamed Cigaal dalka ka tegey sagaashameeyadii isaga oo galay dalka Mareykanka oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku noolaa.

Magaalada SeaTac ee haatan Maxamed loo toortay in uu mayor ka noqdo, waxay leedahay toddoba xubnood oo golaha deegaanka ah oo ay soo doorteen dadka deegaanka, duqa magaalada waxaa loo aqoonsan yahay in uu yahay madaxa magaalada.

Xubnaha golaha deegaanka waa hoggaamiyayaasha iyo siyaasad dejiyeyaasha loo doortay inay matalaan bulshada iyo inay xoogga saaraan arrimaha siyaasadda ee ka jawaabaya baahiyaha iyo rabitaanka dadka deegaanka iyo ganacsatada.

Maayar Cigaal isaga, carruurtiisa iyo kuwa uu awoowga u yahayba waxa ay ku wada nool yihiin magaalada haatan loo doortay ee SeaTac. Cigaal waxaa uu hore uga shaqeeyay magaalada isaga oo ahaa turjumaan Maxkamadeed oo degmada ah.

Waxa uu leeyahay in ka badan labaatan sanno oo waayo aragnimada maaraynta ah.

Cigaal waa guddoomiyaha guddiga qorshaynta iyo horumarinta dhaqaalaha, xubinna ka ah guddiga seerayaasha iyo madadaalada iyo xubin ka tirsan guddiga la-talinta bulshada ee Xafiiska Sheriff-ka ee degmada King. Sidoo kale waa xubin sharaf leh oo ka tirsan Rotary SeaTac-Tukwila.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this