Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo soo dhaweeyay shirka IGAD ee lagaga hadlayo heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa Jimcihi shalay aheyd sheegtay, inay soo dhaweyneyso kulanka lagu wado in madaxda urur goboleedka IGAD ay 18-ka bishaan isugu yimaadaan dalka Uganda, kaas oo laga hadli doono heshiiskii dhinaca badda ee Somaliland iyo Itoobiya kaas oo sababay xiisadda u dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Africa ee Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, laguna baahiyay barta X ee hore loogu odhan jiray Twitter, ayaa lagu yidhi:

“Waxaan soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka january ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyo xaaladda Suudaan. Maraykanku waxa uu taageerayaa, madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo baaqii Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki ee ahaa, in la qaboojiyo colaadda Sudan lana wada hadlo isla markaana la helo xabbad-joojin iyo xal laga gaadho dagaalka ka socda Sudan.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah Guddoomiyaha xilligan ee Urur Goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shirkan aan caadiga aheyn ee madaxda ururkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this