Sign in to follow this  
Deeq A.

K/Galbeed oo ka hartay cayaaraha ka socda Muqdisho, soona saartay shuruud adag

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7457.jpeg?fit=991%2C745&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha ee maamulka Koonfur Galbeed Salmaan Shuceyb Cali ayaa caawa qabtay shir jaraa’id oo deg deg ah, wuxuuna sheegay in Koonfur Galbeed ay ka baxday cayaarihii maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Wasiirka ayaa sheegay in galabta la weeraray baskii ay saaraayeen cayaartoyda Koonfur Galbeed, isla markaana la dhaawacay afar wiil oo labo ay qabaan dhaawacyo culus.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in horay sanadkii hore sidaan oo kale Muqdisho loogu weeraray cayaartoyda K/Galbeed, isla markaana lagu hayo beegsi gaar ah.

“Ciyaartaan waan ka baxnay, mar dambena Banaadir kuma dheeli doono, hadii sanadka dambe aan gobol kale lagu qaban cayaartaan, waxay K/Galbeed cadeyneysaa in aysan ka soo qeyb geli doonin,” ayuu yiri Wasiir Salmaan.

Dhinaca kale, Xildhibaanada ku jira baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa isugu yimid kulan deg deg ah markii uu weerarkaani dhacay kadib.

Shirka kadib waxay xildhibaanada qaar la hadleen warbaahinta, waxayna sheegeen inay u yeerayaan wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, si weerarkaas iyo dayacaadda cayaartoyda wax looga weydiiyo.

Sidoo kale xildhibaanada qaar, waxay laamaha amniga ku eedeeyeen inay toos u taageerayeen cayaartoyda Galmudug, si gaar ah Taliyaha booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayey sheegeen inuu soo xirtay dharka calanka Galmudug.

Arrinta eedeynta ah ee loo jeediyey laamaha amniga, waxaa uga sii dartay markii uu Taliyaha NISA Mahad Salaad caawa dhiirigelin ugu tegay ciyaartoyda Galmudug, isagoo ku amaanay guushii ay galabta ka gaareen cayaartii kala dhaxeysay dhigooda Koonfur Galbeed.

 

The post K/Galbeed oo ka hartay cayaaraha ka socda Muqdisho, soona saartay shuruud adag appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this