Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha iyo Sacuudiga oo ka horyimid heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Shiinaha iyo Sucuudiga ayaa sheegay in ay taageeryaan madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Shiinaha ayaa sheegay inay rajaynayaan in waddamada gobolku ay xallin doonaan arrimaha gobolka iyaga oo u maraya hab diblomaasiyadeed.

Dowladda Sucuudiga ayaa iyaduna sheegtay inay muhiim tahay degganaanshaha gobolka, waxayna carrabka ku adkaystay sida loogu baahan yahay in la ilaaliyo mabaadii’da deris wanaagga.

Xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa bilaabatay 1-dii bishan kadib markii maamulka Somaliland uu Itoobiya u saxiixay in ay qaadato qayb kamid ah badda Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa kasoo horjeesatay heshiiskaasi lagu bixiyay qayba kamid ah biyaha dalka oo ay sheegtay inuu xadgudub ku yahay madaxbannaanida iyo midnimadeeda dhuleed.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha iyo Sacuudiga oo ka horyimid heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this