Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo dowladda Federaalka ugu baaqday in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1704701522522.jpg?resize=720%2C62

Xukuumadda Puntland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka lana hakiyo tallaabooyinka socda inta la isaga imaanayo.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa loogu baaqay dowladda Federaalka Soomaaliya in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee Federaaleynta iyo dhammaystirka dastuurka.

Puntland ayaa u soo jeedisay dowladda Federaalka ah in ay hakiso dhammaan tallaabooyinka socda inta la isaga imaanayo oo wada-hadal laga yeelanayo arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa dhinaca kale shacabka Puntland ugu baaqday in ay ka shaqeeyaan midnimada iyo nabadda degaannada Puntland.

FB_IMG_1705043648495.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post Puntland oo dowladda Federaalka ugu baaqday in laga wada-hadlo arrimaha masiiriga ah ee dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this