Gabbal Posted November 28, 2008 There are reports Maxamed Dheere is to be fully disarmed under the orders of Nuur Cadde with the support of the Ethiopians. If this is true, this is the most public step taken so far to push Abdullahi Yusuf's presidency towards a ceremonial role. Maxamed Dhere, is of course, one of his most reliable henchmen in Mogadishu. In fact, his absolute foundation in the city apart from the Ethiopians. Maxamed Dheere Oo Lagu Amray Inuu Soo Wareejiyo Hubka Uu Haysto Si Deg-deg ah. Nov 27,2008 by Marka Gedo News Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa lagu wargaliyay inuu soo wareejiyo hubka uu haysto oo isugu jira kuwa fud-fudud iyo gawaarida tiknikada ee qoryaha waawayn saaran yihiin, sidoo kale warar kale ayaa ku daraya in Maxamed Dheere lagu amray inuu ka boxo guriga uu ku jiro haatan, waxaana hubka tiknikada lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 25-gaari. Amarkan wuxuu kasoo baxay xafiiska Nuur Xasan Xuseen waxaase la sheegay in go’aanka ay la wadaagaan saraakiisha Ethiopian-ka ee ku sugan xarunta Villa-Somalia, sidoo kale amarka lagu farayo Maxamed Dheere ayaa la sheegay in la siiyay waqti hal Usbuuc ah oo uu kusoo wareejiyo hubka. Wali wax war ah kama soo bixin dhinaca Maxamed Dheere diido iyo u hogaansanaan labadaba, waxaana arintani ay timid markii Maxamed-Dheere uu ku goodiyay hadii aan isaga loo dooran gudoomiyaha gobolka Banaadir aysan wax deganaan iyo kala danbeyn ah ka jiri doonin magaalada Muqdisho. Wararku waxay intaas ku darayaan in xoog loo adeegsan doono hadii uu gudooyihii hore ee gobolka Banaadir u hogaansami waayo amarka lagu farayo wareejinta hubka. Sidoo kale amarkani wuxuu kusoo beegmayaa markii lagu dhawaaqay in maamul cusub loo sameeyey gobolka Banaadir oo uu madax ka yahay Dhagaxtuur. Samadoon Gedo News Desk Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Gabbal Posted November 28, 2008 The news is confirmed. Notice Allpuntland's tone concerning an "attempt to disintegrate the TFG". Muqdisho: Raysalwasaaraha Soomaaliya & Wasiirkiisa Warfaafinta Axmed C/salaan oo doonaya in ay Maxamed Dheere ka wareejiyaan hubkiisa,gaarka ah. 27. november 2008 APL Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen & Axmed C/salaan oo lugu eedaynayo in ay usoo tafo xeysteen Burburinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa ku guda jira qorshe ay doonayaan in ay hubka kaga dhigaan Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb. Raysalwasaaraha ayaa wada hadalo kula yeeshay dhawaan Magaalada Muqdisho taliska ciidamada Itoobiya oo ay waayahaan isku fiicnaayeen, waxa ayna ka wada hadleen qorshayaal fara badan oo ku aadan Soomaaliya, siiba dhanka amaanka iyo Khilaafaadka isaga & Madaxweynaha Soomaaliya ka dhaxeeya. Nuur Cadde ayaa ka codsaday Saraakiisha Itoobiya in ay hubka ka dhigaan Maxamed Cumar Xabeeb, isagoo sheegay in hadii aan hubkaasi laga dhigin uu saameyn ku yeelan doono amaanka gobalka Banaadir, waxa ayna dad badan sheegeen in uu Nuur Xasan Xuseen cabsi ka qabo weerar kaga yimaada Maxamed Dheere. Nuur Cadde ayaa sidoo kale Saraakiisha Itoobiya markale codsigaasi ku celiyey markii la dhisay Maamul aan taageero badan ka heysan dadka Magaalada Muqdisho, waxa ayna Saraakiisha Itoobiya wali ka gaabsanayaan in ay udhaqaaqaan Guriga gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb oo aan wali ka hadlin arimahan, balse ka war haya. Warqad ka timid sida lasheegay Taliska ciidamada Itoobiya ayaa la geeyey guriga Maxamed Dheere, taasoo cabdi cayiman loogu qabtey Maxamed Dheere in hubkiisa wareejiyo, laakiin taasi ayuu ka biyo diiday Maxamed Dheere sida ay ku waramayaan warar ku dhow dhow Maxamed Cumar Xabeeb. Maxamed Dheere ayaa ku sheegay talaabadaasi mid ka soo horjeeda Axdiga dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadii cid hub laga dhigayo laga qaado xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo kuwa aan xilalba heyn oo heysta Hubkiisa mid ka badan, warar hoose ayaa sheegaya in Maxamed Dheere taasi ka biyo diiday kuna celiyey warqad meeshii ay ka timid warqadii horey loogu keenay. Diidmada hub wareejinta ayaa walaac iyo wel-wel ku beertay Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen & Wasiirkiisa Warfaafinta Axmed C/salaan oo labaduba hada jooga Magaalada Jabuuti oo ay ku saxiixeen heshiis awood qeybsi oo aysan raali ka aheyn baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse uu ku kooban yahay oo kaliya raga saxiixay. Nuur Cadde ayaa talaabadaan oo kale horey uqaaday, basle waxa ay noqotey mid socon weyday, markii Maxamed Dheere diidmo qayaxan arintan ka muujiyey waxaana la xasuustaa in uu Nuur Cadde arintan markaasi si tan lamid ah uga codsaday Saraakiisha Itoobiya. F. C. Geylan AllPuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Allamagan Posted November 28, 2008 waxaan maqli jiray ninkii kheyrkii loo xiirayoo adna maxaa sugeysaa. Sidii Yeey, wa iska caddahay in Maxamed Dheere uusan meesha ku sii waari doonin. Waxaa hadda steerinka haya Axmed Cabdisalaan amxaaradana waayadan dambe isku soo dhowaanayaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted November 28, 2008 ^^^ Indeed, ninkii qeyrkii loo xiirayoo adna soo qoyso, wallee waa la iskaga daba imaan, niman badan bey foosha soo heysaa! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted November 28, 2008 Originally posted by HornAfrique: The news is confirmed. Notice Allpuntland's tone concerning an "attempt to disintegrate the TFG". quote: Muqdisho: Raysalwasaaraha Soomaaliya & Wasiirkiisa Warfaafinta Axmed C/salaan oo doonaya in ay Maxamed Dheere ka wareejiyaan hubkiisa,gaarka ah. 27. november 2008 APL Muqdisho(AllPuntland)- Raysalwasaaraha dawladda Faderaalka ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen & Axmed C/salaan oo lugu eedaynayo in ay usoo tafo xeysteen Burburinta dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa ku guda jira qorshe ay doonayaan in ay hubka kaga dhigaan Gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb. Raysalwasaaraha ayaa wada hadalo kula yeeshay dhawaan Magaalada Muqdisho taliska ciidamada Itoobiya oo ay waayahaan isku fiicnaayeen, waxa ayna ka wada hadleen qorshayaal fara badan oo ku aadan Soomaaliya, siiba dhanka amaanka iyo Khilaafaadka isaga & Madaxweynaha Soomaaliya ka dhaxeeya. Nuur Cadde ayaa ka codsaday Saraakiisha Itoobiya in ay hubka ka dhigaan Maxamed Cumar Xabeeb, isagoo sheegay in hadii aan hubkaasi laga dhigin uu saameyn ku yeelan doono amaanka gobalka Banaadir, waxa ayna dad badan sheegeen in uu Nuur Xasan Xuseen cabsi ka qabo weerar kaga yimaada Maxamed Dheere. Nuur Cadde ayaa sidoo kale Saraakiisha Itoobiya markale codsigaasi ku celiyey markii la dhisay Maamul aan taageero badan ka heysan dadka Magaalada Muqdisho, waxa ayna Saraakiisha Itoobiya wali ka gaabsanayaan in ay udhaqaaqaan Guriga gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb oo aan wali ka hadlin arimahan, balse ka war haya. Warqad ka timid sida lasheegay Taliska ciidamada Itoobiya ayaa la geeyey guriga Maxamed Dheere, taasoo cabdi cayiman loogu qabtey Maxamed Dheere in hubkiisa wareejiyo, laakiin taasi ayuu ka biyo diiday Maxamed Dheere sida ay ku waramayaan warar ku dhow dhow Maxamed Cumar Xabeeb. Maxamed Dheere ayaa ku sheegay talaabadaasi mid ka soo horjeeda Axdiga dawladda Soomaaliya, wuxuuna sheegay in hadii cid hub laga dhigayo laga qaado xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya iyo kuwa aan xilalba heyn oo heysta Hubkiisa mid ka badan, warar hoose ayaa sheegaya in Maxamed Dheere taasi ka biyo diiday kuna celiyey warqad meeshii ay ka timid warqadii horey loogu keenay. Diidmada hub wareejinta ayaa walaac iyo wel-wel ku beertay Raysalwasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen & Wasiirkiisa Warfaafinta Axmed C/salaan oo labaduba hada jooga Magaalada Jabuuti oo ay ku saxiixeen heshiis awood qeybsi oo aysan raali ka aheyn baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, balse uu ku kooban yahay oo kaliya raga saxiixay. Nuur Cadde ayaa talaabadaan oo kale horey uqaaday, basle waxa ay noqotey mid socon weyday, markii Maxamed Dheere diidmo qayaxan arintan ka muujiyey waxaana la xasuustaa in uu Nuur Cadde arintan markaasi si tan lamid ah uga codsaday Saraakiisha Itoobiya. F. C. Geylan AllPuntland I like Allpuntland siday qarannimada u ilaaliso oo ay mar walba siyaasadaha Yey u difaacdo. Haddayba maantay Maxamed Dheere u doodeyso oo ay leeyihiin HUBKIISA GAARKA ah...lol...Tolow Qanyare, Muuse Suudi soo hubkooda gaarka ah ma ahayn wixii laga qaaday? Waah waah waxaasaa controdiction ah: here is what Abaaqaroow (another twin website of Allpuntland) wrote when Maxamed Dheere caayey Yey back in 2006: Nalasoo xiriir Chat USEC Radio Galkacyo RochesterSomali TV Radio Hormuud Radio Garowe Radio Shabelle Sagal Radio (Live) SBS Radio Aus Radio Laascaanood Somali Radio Sweden Radio Copenhagen Radio Ileys Radio Sahan Radio Warsan Radio SCERDO Radio Hadhwanaag Radio Benadir Somali swiss radio Radio Xoriyo Radio & TV Djibouti Radio Somaliland Qaran Radio Radio Dalmar Radio Golis (RG) Sagal S. Radio Somali Radio (USA) Focus On Afirca 4 somaliwomen AllPuntland Allwadani Aftahan Allsomali.com AllDalka Allgedo Online Arlaadi Online Arlaadinet Afgoi.com Awdelnews.com Bakaaraha Bualenews Banadir City Baafin.com BBC L. Afka Soomaaliga Balcad.com Benadir-Watch Benadir Berlula Online Burtinle Online Buurhakaba Buulaay BAIDOA.COM Codk Somali Galbeed Cadayga Cayaaraha.com Ceelbuurnet Cadaado.net CeelBuur Dalka.com Dayniile Dhahar Deeyoo DjiboutNet Diinsoor Gedonet FALSAN Gedonet GodeyNews Gedohomepage Geeska Afrika Goldogobsite.com Goobjoog Gashaamo SBC online Halgan Halgannews Hobyonet Horseednet Himilo Online Hiiraan Online Hiiraan Time HornAfrik Online Israac Islam East Africa Jowhar.com Jannaale Jiimonet Kenyan Somali Comm. Kilil5.com Lafoole.com(SOTAS) MarkaCadey.net Marka Caddeey Mudug Online Dhahar Midgaan.com Midland state Mogadishu University Midnimo.com Onkod Puntland Post Qaranimo.com Qaamuus Radio Somaliland Radio Laascaanood Radio Free Somali Raasonet Ruunkinet Somali Bantu Somalisan TV Shabelle.net Somali TV Online Somali Lawyers' A. Somali Post Som. Cartoon Network Somali Student Assoc Suxayfa SBC Online Somali IT Somaligalbeed.net Saylac.com Somali Fisheries Society Somalilandnews.com Somalitalk.com **********.com Somaliawatch.com Somaliawatch.org Somalilandnet.com Somali R. & H. Center SomaliNet Somitek Somali Water & Environ Somali Weyn Somali Wide Somalihome Online Somali Peace Process SomaliUK.com Soomaali Suxufi STN-TV.NET SomaliAmerican Somalia Online UFUROW Wardheer News Widhwidh Xeebta ************ Qaran Press Somali Press Warsan Times Jamhuuriya Ayaha Nolosha Elektaroonig Ayaamaha East African Standard Daily Nation of Kenya Addis Tribune African Newspapers Arab News Wamaa yaclamu junuuda Rabika illaa huwa Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf Xafidahullaahi wuxuu Allaah u boqray inuu dulmiilayaasha kaga safeeyo Somaaliya waana kuwaa daalimiintii marba magaca la soo baxaya Madax wayne Halyey C/llaahi yusuf Xafidahullaah oo xikmadii mandela mid aan ka dhicin lasoo baxay Maxaad Ka taqaanaa Deegaanka Haylaan iyo Qabriga *******? (Daawo Sawiro). Madax wayne Halyey C/llaahi yusuf Xafidahullaah oo xikmadii mandela mid aan ka dhicin lasoo baxay Lamood-sa Noqonweeyday Waa Oday Somaliyeed, waa Halyeyga Somaliya waa nabaddoon ,waa madaxweynaha ummadda Somaliyeed mudane C/llaahi Yusuf Axmed Xafidahullaah Raisulwazare itoobiya mudane meles zinawi oo muujiyay xikmad heersara ah iyo cadaalad NIN HOOYADII QORAX KU DILAY AAYADDII HOOS UMA JIIDO. ALLAAHUMMA LAA TAJCAL MUSIIBATANAA FII DIININAA Col:Xassan Daahir Aweys iyo Agoontii Ilmo Bidde! SIDA WEBKA INA JIRAA(ABAAQAROOW) XOGTA LOO JIRSHAA AMA JAALLAYAA WAA LAYSKA JOOGAA. GAFUUR XUME HABARTI DILE FOOLXUME Dr.HUURAALE MA UMULBAA ILLOWSHIINYO DHOWAA? xafladii loo gudabaaldagay sanad guuradii puntland oo kadhacdey sweden Waa Oday Somaliyeed, waa Halyeyga Somaliya waa nabaddoon ,waa madaxweynaha ummadda Somaliyeed mudane C/llaahi Yusuf Axmed Acazallaahu bihi Shirkii- Beel Weynta Mudulood ee Waqooyi America INNAA LILAAHI WA'INNAA ILEYHI RAAJICUUN Adoo ciirsila fadhiya Rabbaa kuu ciidanshee Cawaaloow ciil ha arag Ethiopia marna raali ka noqon meyso in Somalia ay dowlad la´aan noqoto Ganboyarta maxaakiinta dacaayadey doonaan ha sheegaan. Shirka lagu tageerayo dib u heshiisiinta qaranka ee dawladu ku dhawaqday ee lagu qabanayo magalada muqdisho oo ka dhacay dalka sweden sawiradoo dhan sii daawo. QARNI QORNAA MAALIN QURA LAGUMA DUMIYO,qormo Jowhar:-Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max’ed Cumar xabeeb Max’ed Dheere oo maalmahaanba ku hadaaqayay hadalo ka dhan ah dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan aqoonsana Jowhar:-Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha dhexe Max’ed Cumar xabeeb Max’ed Dheere oo maalmahaanba ku hadaaqayay hadalo ka dhan ah dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan aqoonsanayn dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya oo muddooyinkii lasoo dhaafay xarun kumeel gaar ah ka dhigatay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha dhexe. Maxamed dheere oo u warramayay mid kamid ah idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay madaxweyne C/llaahi Yuusuf oday kasoo jeeda beesha ******* oo ciyaalo suuq ah –waa sida uu hadalka u dhigaye-, isagoo tilmaamay dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya in aysan caga soo dhigan karin deegaanada hoos yimaada maamulkiisa. “C/llaahi Yuusuf uma dhqamo sida madaxweyne oo kale, waana oday ******* ah oo ciyaala suuq ah, si xun ayuuna noola dhaqmay, sidaa daraadeed dowladda masoo mari karto deegaanada aan ka taliyo, mana soo dhaweyn doono” ayuu is caro leh u yiri Max’ed Dheere oo intaa ku daray madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo maliishiyooyinkii la socotay in xitaa ay ka qaateen agabkii yiilay guryihii uu dajiyay. Max’ed Dheere ayaa ku eedeeyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf in uu dhaamay marti gelintii maamulkiisa uu u fidiyay dowladda, waxa uuna sheegay madaxweynaha in uu ka kacay falal ka dhan ah abaalkii ay u galeen maamulka Shabeellaha dhexe. Aflagaadada Max’ed Dheere ayaa ku soo beegantay xilli cutubyadii ugu danbeeyay maliishiyooyinkii ku xaraysnaa xerada Kongo ee kasoo jeeday Puntland ay xalay isaga dhaqaajiyeen gobolka Shabeellaha dhexe, iyagoo kusii jeeda magaalada Baydhabo. Maamulka Shabeelaha dhexe ayaa ka hor joogsaday maliishiyooyinkii ku xaraysnaa xerada Kongo in ay kaxaystaan ilaa 17 gaari iyo matooro dowladdu ay ka heshay dowladda Talyaaniga oo laga soo dejiyay garoonka Cisaley ee duleedka magaalada Muqdisho iyo agab kale oo dowladdu ay ka heshay dalal ay saaxiibo yihiin. Warar saakay laga soo xigtay saraakiisha maliishiyooyinkaas ayaa sheegaya in ay si nabad gelyo ah uga talaabeen xadka gobolka Shabeellaha dhexe. Mar uu ka hadlayay isbahaysi ashahaada la dirirka ee dhawaan lagaga dhawaaqay magaalada Muqdisho waxa uu sheegay in uu xubin buuxda ka yahay isbahaysigaaas, isagoo amaan u jeediyay wasiirada hubaysan ee ku bahoobay isbahaysigaas laga fangareeyo dhanka Maraykanka. Si kastaba ha ahaatee tan iyo markii xubnaha labada gole ay isugu tageen magaalada Baydhabo waxaa kasoo baxayay Max’ed Dheere hadallo lid ku ah madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo dowladdiisa, iyadoo sanadkii hore xilagan oo kale Max’ed Dheere uu aflagaadeyn jiray wasiirada hubaysan ee Muqdisho, isagoo xiligaas iska dhigayay nin hormuud u ah dowladda, balse waxa uu iminka xiriir wanaagsan la leeyahay wasiirada hubaysan, waxaana la filayaa xaflad maanta iyo caawa socon doonto oo loogu dabaal degayo sanad guuradii 4aad ee kasoo wareegatay aasaaskii maamulkiisa in uu Max’ed Dheere ka jeediyo aflagaadayn kale oo ka dhan ah madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo dowladdiisa. Quote Share this post Link to post Share on other sites