Sign in to follow this  
Deeq A.

Xogta dadkii saarnaa diyaaradii u gacan gashay Al-Shabaab iyo dalalka ay u kala dhasheen

Recommended Posts

Deeq A.   
UN-Helicopter-1-scaled.jpg?fit=2560%2C13

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan diyaaradii shalay ku dhacday duleedka deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud, waxaana xog hordhac ah laga helay tirada dadkii saaraa diyaaradaas.

Ilo wareedyo ka tirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in guud ahaan tirada dadka saarnaa diyaaradda ay ahaayeen sagaal qof, kuwaas oo kala ahaa:

Askari Soomaali ah, kalkaaliso caafimaad oo Ugaandhays ah, dhakhtar Masaari ah, laba qof oo u dhashay dalka Kenya iyo afar qof oo shaqaale ka ahaa diyaaradda oo u dhashay dalka Ukraine.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab ay goobtii diyaaradu ku degtay ku dishay dhakhtarkii Masaarida ahaa.

Sidoo kale askariga Soomaaliga ah iyo kalkaalisada Ugandhayska ah ayaa ka baxsaday goobta, ilaa hadana lama hayo xogta meel ay ku sugan yihiin.

6-da qof ee soo hartay oo kala ah labo nin oo Kenya u dhalatay iyo afar qof oo midi haween tahay oo Ukraine u dhalatay ayaa la xaqiijiyey inay gacanta u galeen Al-Shabaab.

Al-Shabaab waxay dadkaas la aadeen howdka u dhaxeeya Ceelbuur iyo deegaanka lagu qabtay ee Xiindheere, halka xiriirkooda la waayey labadii qof ee mid Soomaaliga ahaa ee duurka ku carartay.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu soo badbaadinayso dadka ay afduubteen Al-Shabaab iyo kuwa duurka ku maqan ee la aaminsan yahay in weli aysan gacanta u gelin kooxda.

Diyaaradii waxaa la xaqiijiyey inay gubtay kooxda Al-Shabaab, sidoo kale ilo wareedyada aan ka helnay tirada dadkaan waxay ka gaabsadeen inay faahfaahiyaan waxa ay siday diyaaradaas.

Ilo ka tirsan dowladda ayaa sheegay in diyaaraddu ay siday daawo, waxayna ahaayeen labo diyaaradood oo mida kale waxay siday hub, waxayna si nabad ah uga degtay Wisil oo ay u socdeen, isla markaana ah saldhigga ugu weyn ee laga hoggaamiyo dagaalka Al-Shabaab ee ka socda gobolka Mudug.

 

The post Xogta dadkii saarnaa diyaaradii u gacan gashay Al-Shabaab iyo dalalka ay u kala dhasheen appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this