Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Maxamed Kaahin oo sheegay in Somaaliya ay heshiis badaha ah la gashay Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Maxamed Kaahin oo sheegay in Somaaliya ay heshiis badaha ah la gashay Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in Dawladda Soomaaliya ee ka qaylinaysa heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ay iyada lafteedu ay heshiisyo badda ah la saxeexatay dawladda Itoobiya.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu sheegay in Soomaaliya dadkeeda ka qarisay heshiis Wasiirka Gaashaandhiga ee Soomaaliya la gashay Itoibiya dhawaan oo la xidhiidha ammaanka badda kaasi oo maamulka Xasan Sheekh ka qariyay Goleyaasha Soomaaliya.

Waxa kaloo uu xusay Soomaaliya ay qorshaynayso dagaal ka dhan ah Somaliland, waxaanu dadweynaha reer Somaliland u soo jeediyay in ay mar kale difaacaan dalkooda.

Waxa uu intaas ku daray in Soomaaliya oo la ogaa xasuuqii ay u geysteen Somaliland ay imikana Villa Soomaaliya dejinayso dagaal ay ku soo qaado Somaliland.

Ilaa hada dawlada Soomaaliya kama ay jawaabin eedahaasi uu maanta baahiyay wasiirka arimaha gudaha ee Somaliland

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this