Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay Xaaladda Gobolka Geeska Afrika

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1704967690004.jpg?resize=721%2C48

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyadda Qaranka ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowyga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Marwo Annette Weber.

Madaxweynaha iyo Egeyga Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo doorka Midowga Yurub ee dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, iyagoo si gaar ah uga arrinsaday dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo tayeynta ciidamada.

Egeyga Midwoga Yurub ee geeska Afrika ee Soomaaliya Marwo Annette Weber waxay adkeysay mowqifkii Midowga Yurub ee ilaalinta xasiloonida iyo degenaanshaha Geeska Afrika, iyadoo xustay muhiimadda ay siinayaan in la dhowro madaxbanaanida, gobonimada  iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey tageerada Midowga Yurub ay u muujiyeen qaranimada iyo madaxbaaninda Soomaaliya, isagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixinayaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed difaaca dhulkooda, baddooda iyo gobanimadooda.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay Xaaladda Gobolka Geeska Afrika appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this