Sign in to follow this  
Deeq A.

Musharaxa xisbiga Waddani oo ka hadlay qoddobo ay ka wada hadleen wefti ka socday UK

Recommended Posts

Deeq A.   

GDgFe6KWIAAWXk2.jpeg

GDgFe6JWwAASWQ_.jpeg

GDgFe6IXkAABXCY.jpeg

GDgFe6GXkAAIPNX.jpeg
Hargeysa(Qaran news)- Musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Waddani Cabdirsxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay wefti Ingiriiska ka socday oo ay la kulmeen.

“Waxaanu wada hadallo midhofhal ah la yeelanay wefti ka socday Ingiriiska oo uu hoggaaminayey
Fraser Campell, oo ka socday qaybta bariga Afrika Hay’adda FCDO.” ayuu yidhi Cabdraxmaan Cirro.

Waxa kaloo uu intaas ku daray inay ka wadahadleen doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasadda ee sannadkan lagu wado inay ka qabsoonto Somaliland iyo heshiiskii is faham ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya iyo arrimaha Laascaanood.

Wuxuu sheegay inay isla fahmeen muhiimada doorashada oo wakhtigeeda ku dhacda iyo sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha ka hor iman kara.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this