Sign in to follow this  
Cowke

10 TFG Ministers Up For Corruption Charges

Recommended Posts

Cowke   

Guddiga Maaliyada ee Barlamanka KMG oo Xeer Ilaalinta Guud u Gudbiyey Liiska 10 Wasiir oo Lagu Eedeeyey Musuqmaasuq

 

Muqdisho (RBC Radio) Guddiga Maaliyada, Lacagta iyo Ilaalinta Hantida Qaranka ayaa maanta soo gudbiyey liis ay ku qoran yihiin magacyada 10 Wasiir oo ka tirsan xukuumada ku meel gaarka kuwaasi oo loo gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee dowlada.

 

Maxamed Axmed Woosh oo ah gudoomiye ku xigeenka guddiga M,aaliyada iyo ilaalinta hantida ahna ku simaha gudoomiyaha ayaa sheegay in qoraalkaasi uu gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee qaranka isla markaana dhowaan go’aan laga gaari doono.

 

Liiskaasi loo gudbiyey xeer ilaaliyaha ayaa qeexaya eedeymo lunsi lacago, hanti dowladeed iyo qalab kale oo ay ku keceen illaa 10 wasiir oo ka mid ah golaha wasiirada ee hadda ku jira xukuumada. Kuwaasi oo la sheegay inay dano dhaqaale doon ah u rogeen hawshi loo dhiibay isla markaana ay si xatooyo ah u qaateen hanti ummadeed.

 

Haddaba wariyaasha RBC Radio oo isku dayey inay wada helaan magacyada 10 ka wasiir eek u qiran liiskaasi ayaa waxaa noo suurtagashay inaan qaarkood helno, waxaana ka mid ah;

 

1- Wasiirka Maaliyada ahna raisul wasaare ku xigeenka; Shariif Xasan Sheekh Aadan

 

2- Wasiirka Lacagta; Eng C/raxmaan Yariisow

 

3- Wasiirka kaluumeysiga ahna raisul wasaare ku xigeenka; C/raxmaan Aadan Ibbi.

 

4- Wasiirka dastuurka iyo arimaha federaalka; Madoobe Nuunow Maxamed.

 

5- Wasiirka Jaaliyadaha C/laahi Axmed Ashari

 

6- Wasiirka gaadiidka; C/risaaq Juriile

 

Wasiirada iyo kuwo kale oo aaney noo suuragalin ayaa sida ku qoran dukumitiga maanta loo gudbiyey xeer ilaaliyaha guud waxaa lagu eedeyey inay magaca wasaaradaha ay maamulaan ku lunsadeen hanti qaran.

 

Waxyaabaha qoraalkaasi lagu qeexay waxaa ka mid ah lunsi lacag caddaan ah (cash), gaadiid, viisooyin iyo safato dibada ah oo loo bedelay ab ganacsi iyo arimo kale.

 

Wasiiradan qaarkood ayaa horey loogu xusay warbixin bishii March ee sanadkan ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay ugu qaabilsan cunaqabateynta hubka Soomaaliya, waxaana warbixintaasi ay si cad u cadeysay inay wasiiradaasi ku keceen musuqmaasuq iyo hanti lunsasho.

 

Guddiga maaliyada ee barlamanka ee soo gudbiyey warbixintan ayaa codsaday in si deg deg ah loo baaro eedeymahan ka dibna maxkamd la soo taago dhamaan xubnaha wasiirada ah ee eedeynta loo soo jeediyey.

 

Waxaa xusid mudan in warbixinta ay xitaa kujiraan musuqmaasuq yo falal boob ah oo dhacay xilligii dowladii C/laahi Yuusuf oo ay galeen masuuliyiintii xilligaasi wasaaradaha joogay oo qaarkood hadda joogaan.

 

Isla qoraalkan ayaa nuqulo ka mid ah waxaa isla maanta guddigu u gudbiyeen maxkamada sare, bangiga dhexe, hanti dhowrka guud iyo madaxweynaha.

 

Xeer ilaaliyaha guud ee dowlada Soomaaliya C/laahi Daahir Barre aya sheegay in qoraalkaasi uu kala tashan doono hanti dhowrka guud ka dibna la bilaabi doono baaritaan.

 

Eedeymahan ay ka dhawaajiyeen guddiga maaliyada iyo dabagalka ee barlamanka ayaa ku soo beegmay xilli khilaaf xoogan uu u dhexeeyo madaxda sare ee dowlada isla markaana uu muran ka taagan yahay jiritaanka xukuumada ay wasiiradan ka tirsan yihiin.

 

Si kastaba waxaa la eegayaa halka ay dacwadan ka dhanka ah 10 wasiir ku dambeyn doonto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

They forgot Shariifka, why? anyway plundering funds donated by the international community is not something new. It was done before under YEY/Geedi sh1t tfg and also under this Sharifka/Sharmarke partnership.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

Xildhibaan Caasho Cabdalle: Waxaan Codsaneynaa Wasiirada Musuqmaasuqa Loo Heysto inaysan Dalka

 

Ka Bixin (Sawiro & Dhageysi)

 

Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaanad Caasho Axmed Cabdalle oo xubin ka ah guddiga Maaliyada, lacagta iyo ilaalinta hantida ee barlamanka Soomaaliya ayaa sheegtay inay xeer ilaalinta ka codsaneyso in safarada dibada laga joojiyo illaa 10 wasiir oo ka tirsan dowlada ku meel gaarka Soomaaliya.

 

Xildhibaanada oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa ka hadashay eedeyn shaley guddiga maaliyada ee barlamanka u soo jeediyeen xubno ka mid ah wasiirada dowlada ku meel gaarka ah kuwaasi oo lagu eedeeyey lunsi hanti qaran.

 

Caasho Axmed Cabdalle waxay sheegtay in warqada eedeynta wasiiradaasi loo gudbiyey xeer ilaalinta guud isla markaana uu saxiixay ku simaha gudoomiyaha guddiga maamilyada xildhibaan Maxamed Axmed Woosh. Iyadoo intaasi raacisay in xeer ilaalintu ay si deg deg ah u baarto waxyaabaha lagu soo eedeeyey wasiiradaasi.

 

Caasho waxay sheegtay inay ka codsaneyso xeer ilaalinta, hanti dhowrka iyo hay’adaha kale ee ku shaqada leh baaritaanka inay xayiraad ku soo rogaan xubnahaasi inta baaritaanku socdo oo laga joojiyo inay wax safar ah dalka uga baxaan.

 

Waxay sidoo kale xildhibaanadu ku baaqay in baaritaanka ka dib masuuliyiintaasi dembiyadooda lagu qaado lana marsiiyo wixii sharcigu ka qabo isla markaana laga mamnuuco inay wax xil dambe ah u qabtaan ummada.

 

Hadalka xildhibaanada ayaa ku soo beegmay iyadoo guddiga maaliyada ee barlamanka oo baaritaan mudo dheer soo waday ay shaley ugu dambeyn xeer ilaaliyaga guud ee qaranka u gudbiyeen dukumiti dheer oo ay ku qoran yihiin illaa 10 ka mid ah wasiirada dowlada kuwaasi oo lagu eedeeyey lunsi hanti qaran.

 

Dukumintigaasi waxaa sidoo kale loo gudbiyey madaxweynaha iyo hanti dhowrka guud ee dowlada.

 

Lama oga sida ay dacwadan ku dhamaan doonto iyo sida ay ku fuli karto codsiga xildhibaanada ee ah in masuuliyiin haatan xilal haya safarada laga xayiro.

 

Waxaana xusid mudan in weliba xilligan ay dowladu ku jirto shaqaaqo siyaasadeed oo dhexdeeda ah iyo iyadoo aysan dowladu wada maamulin dalka oo dhan oo aan la kontorooli karin safarada dadka la eedeynayo.

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

 

XIL-CAASHO-AXMAD-CABDALA-3.jpg

 

c3.jpg

 

XIL-CAASHO-AXMAD-CABDALA-300x225.jpg

 

dhegayso here

http://www.raxanreeb.com/?p=49803

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this