Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiga Waddani oo Cambaareeyay Xadhiga Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Waddani oo Cambaareeyay Xadhiga Coldoon

Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga WADDANI waxa uu cambaaraynaya xadhigga sharci darrada ah ee maalintii Isniintii oo taariikhdu ahayd 08-Jan-2024 magaalada Burco loogu gaystay Cabdimaalik Muuse Coldoon.

Coldoon waxa xorriyaddiisa looga qaaday iyada oo aan dariiq sharci loo marin. Xadhiggiisu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo si weyn u dhawray xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland.
Xukumadda Kulmiye waxaanu uga digayna tallaabooyinka ay ku cabudhinayso muwaadiniinta Somaliland ee aragtidooda sida salmiga ah uga dhiibanaya arrimaha siyaasadda ee masiirkooda taabanaya iyo xaaladaha wakhtigan taaggan, taas oo sharcigu u ogol yahay.

Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay si shuruud la’aan ah oo dhakhso ah ku soo dayso Cabdimaalik Coldoon islamarkaana joojiso tallaabooyinka lagu xannibayo aragtida xorta ah ee muwaadiniinta Dastuurku u dammaanad qaaday.

Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI
Mudane Yoonis Axmed Yoonis

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this