Deeq A. Posted January 10, 2024 Xisbiga Waddani oo Cambaareeyay Xadhiga Coldoon Hargeysa(Qaran news)-Xisbiga WADDANI waxa uu cambaaraynaya xadhigga sharci darrada ah ee maalintii Isniintii oo taariikhdu ahayd 08-Jan-2024 magaalada Burco loogu gaystay Cabdimaalik Muuse Coldoon. Coldoon waxa xorriyaddiisa looga qaaday iyada oo aan dariiq sharci loo marin. Xadhiggiisu waa mid ka hor imanaya xorriyatul qawlka iyo shuruucda dalka oo Dastuurku ugu sareeyo kaas oo si weyn u dhawray xorriyadda iyo xuquuqda muwaadiniinta Somaliland. Xukumadda Kulmiye waxaanu uga digayna tallaabooyinka ay ku cabudhinayso muwaadiniinta Somaliland ee aragtidooda sida salmiga ah uga dhiibanaya arrimaha siyaasadda ee masiirkooda taabanaya iyo xaaladaha wakhtigan taaggan, taas oo sharcigu u ogol yahay. Waxaanu xukumadda ugu baaqayna in ay si shuruud la’aan ah oo dhakhso ah ku soo dayso Cabdimaalik Coldoon islamarkaana joojiso tallaabooyinka lagu xannibayo aragtida xorta ah ee muwaadiniinta Dastuurku u dammaanad qaaday. Xoghayaha Caddaaladda Xisbiga WADDANI Mudane Yoonis Axmed Yoonis Qaran News Share this post Link to post Share on other sites