Deeq A. Posted January 10, 2024 Toban qof oo isku qoys ah, oo uu ku jiro laba jir, ayaa lagu dilay weerar xilli danbe oo habeen ah ka dhacay waqooyiga-galbeed ee dalka Pakistan. Laba nin oo walaalo ah, xaasaskooda iyo lix caruur ah oo da’doodu tahay 12 iyo ka yar, iyo qof marti u ahaa ayaa lagu dilay degmada Lakki Marwat ee gobolka Khyber Pakhtunkhwa. “Baaritaanka hourhdac ah ma soo jeedinayo inuu la xiriiro argagixisanimo,” ayuu taliyaha booliiska degmada Tariq Habib u sheegay AFP. Khilaafaadka qoysaska ayaa ku badan Pakistan, laakiin gobolka waqooyi-galbeed halkaas oo bulshooyinku u hoggaansamaan xeerarka sharafta dhaqanka. PUNTLAND POST The post 10 qof oo isku qoys ah oo lagu dilay dalka Pakistan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites