Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxwene Geelle oo Qorsheynaya Wadahadalsiinta Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dalka jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa la sheegayaa inuu qorsheynayo wadahadalsiinta Soomaaliya iyo Itoobiya si loo qaboojiyo xiisadaha culus ee ka dhashay tilaabada guracan iyo damaca Ethopia ee ay xukuumada Addis Abba ku soo damaacisay biyaha Soomaaliya, kadib heshiiskii bisha January horaanteedii ka dhacay magalaada Addis Ababa ee la xiriiray badda Seylac.

Madaxweyne Geelle oo ah guddoomiyaha urur goboleedka IGAD ee ay ku wada jiraan 2-da dowladood ayaa sida xogaha Goobjoog ay helayso ay tilabaaxayaan xiriiro la sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud iyo Ra’iisulwasarae Aby Axmed oo dowladiisu qaaday tilaabo halis ku ah gobolka oo dhan waxaana gudoomiyaha IGAD labada dhinac uu ugu baaqay in hoos loo dhigo xiisadda.

Dhanka kale Wasaarada arrimaha dibadda dalka jabuuti ayaa dhawaan qoraal ay soo saartay waxaa nuqulo kamid ah laga dheehan kara wadahadalada jabuuti ay daneyneyso in ay dhaxmaraan 2-dal walow Ethopia wax lagala hadlo ay miiska saarneyn kaliya wada u furan ee xiisadda damin kartana ay tahay in ay damaceeda dib u laqdo, taas oo ah doonista dowaladda Soomaaliya oo diidmo xooggan kala hortimid.

Tilaabadan ayaa imaaneysa iyada oo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay mowqif adag iska taageen damaca xukuumadda Addis Ababa iyo hishiis beenaadkii Muuse Biixi biyaha ugu saxiisay Itoobiya, waxaana xigay in Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole ay meel mariyeen sharci lagu buriyay heshiiska badda, madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa saxiixay shacigaan, waxaana xigay dibadbaxyo Muqdisho ka dhacay.

Waxaa sidoo kale arrintaan ay ku soo aadeysaa waqti Madaxweynaha Sooamaaliya Xasan sheekh Maxamuud oo jawaabta ugu haboon ee diblumaasiyadeed uga jawaabay tallaabada Aby axmed uu sare u qaaday xiriirka siyaasadeed ee kala dhaxeeya dowladda Masar oo cadaawad ba’an ay kala dhaxeyso Ethopia taasi oo hor seedi karta in addis looga adkaado dagaalka wabiga Nile ee u dhaxeeya dhinacyada.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ilaa ahada la’ hal wadan oo caalamka ah oo ku taageera hishiiskii uu la galay Muuse Biixi waxaana dhamaan dowladaha Caalamku ay ku cadaadinayaan in uu dib uga gurto hishiiskaasi, waxaana arrintaan ay imaanaysaa xilli dowladda Ethopia ay wajahayso dhaqaale yari aad u baahsan, taas oo keentay in shacabku ay sameeyaan mdahadyo looga soo horjeedo arrintaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this