Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka dhacay magaalada Laascaanood, khasaaraha ka dhashay iyo wararkii u dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan maleeshiyaadka Khaatuma.

Dagaalka aoo ahaa mid xoogan ayaa qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay isku dhaceen askar ka wada tirsan ciidamada dadka Khaatuma.

Ilo wareedyo lagul kalsoon yahay ayaa sheegay in ciidamada uu soo kala dhex-galay muran xoogan, kaas oo ka dhashay qori Zuug ah oo ay hore uga qabsadeen ciidanka qaranka Somaliland, waxaana kadib sidaas ku qarxay iska hor imaadka oo socday muddo ku dhow saacad.

Qaar kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay ku soo waabariisteen dagaalka iyo xabadda oo socoto, iyaga oo intaas ku daray in ciidamada ay isku adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan, taas oo cabsi ku beertay shacabka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu sababay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama oga inta uu gaadhsiisan yahay.

Dadka ku dhintay dagaalkan waxaa kamid ah Cabdifitaax Garbatole oo kamid ahaa raggii ku baxay inay kala dhex galaan ciidamada dagaalamay, sida uu sheegay Cabdisalaan Germany oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

“Rabi Naxariistii Jano haka Waraabiyo Cabdifitaax Garbatole, oo saaka ku dhintay isaga oo ku dhex jira kalana celinaya labadii ciidan ee maraaga isku laayay Waa geeri Xanuun badan ilaahay ehelka samir iyo iimaan ha ka siiyo iyo dhamaan SSC ” ayuu yidhi Cabdisalaan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan ay degan tahay xaaladda, isla markaana uu istaagay dagaalkii saaka ka qarxay duleedka Laascaanood.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this