Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xooggan oo ka dhacay bariga Laascaanood iyo khasaarihii ka dhashay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1704867884137.jpg?resize=720%2C54

Ugu yaraan 8 ruux ayaa ku geeriyooday in ka badan 10 kalena waa ku dhaawacmeen dagaal xooggan oo saaka ka dhacay inta u dhexaysa Laascaanood iyo Gambadhe.

Dagaalka oo dhexmaray laba ciidan oo hore gurmad ugu tegay SSC-khaatumo ayaa la sheegay in murankiisu uu ka dhashay gaari ciidan oo Somaliland lagaga qabsaday dagaalkii Gooja-cadde.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi ka dhacay nawaaxiga Maraaga kadib markii ciidamo ka soo baxay Guumays oo watay gaariga Somaliland laga furtay ay jid-gooyo u dhigteen ciidamo kale taasi oo isku dhaca sababtay.

Dagaalka ayaa saacad ka hor joogsaday waxaana ciidamadii ka yimid Guumays u soo gudbeen dhinaca Gambadhe oo ay hadda ku sugan yihiin sida ay noo sheegeen goob-joogayaal.

PUNTLAND POST

The post Dagaal xooggan oo ka dhacay bariga Laascaanood iyo khasaarihii ka dhashay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this