Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuul ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo Kormeeray Cisbitaal Maanka ah oo laga hirgeliyay Ceerigaabo

Recommended Posts

Deeq A.   

Masuul ka Tirsan Wasaaradda Caafimaadka oo Kormeeray Cisbitaal Maanka ah oo laga Hirgeliyay Ceerigaabo
IMG-20240109-WA0018.jpg
IMG-20240109-WA0019.jpg
KorCeerigaabo(Qaran news)- Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Maanka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Jamhuuriyadda Dr-Mustafe Maxamed Axmed ayaa kormeer iyo indho indhayn kusoo maray Cusbitaalka Maanka ee magaalada Ceerigaabo oo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku ka hirgelisay Magaaladda Ceerigaabo.

Kulankan ayaa waxaa agaasimaha ku wehelinayay masuuliyiin ka socday xarunta dhexe ee Wasaaradda, agaasimaha ayaa waxaa xafiiska kusoo dhaweeyay Agaasimaha Cusbitaalka Maanka ee Magaalada Ceerigaabo Dr Mubaarak Dhuux, isagoo uga warbixiyay habsami u socofka Hawlaha Cusbitaalka iyo adeega uu u qabto Bulshada ku nool magaalada Ceerigaabo.

Intaa kadib agaasima ayaa mid mid usoo maray qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka Maanka ee magaalada Ceerigaabo isagoo warbixino kala duwan ka dhegaystay Shaqaalaha kala duwan ee ka hawl gala Cusbitaalka iyo Qaar ka mid ah Bulshada loogu adeegayay Cusbitaalka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this