Xudeedi Posted October 6, 2010 Ciidamo maamulka Puntland ka diiday dagaalka Galgala oo la xabisay Aarannews(Garowe) Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in ilaa Siddeed askari oo maamulka Puntland ka diiday inay ka qeyb qaataan dagaallada maamulkaasi kula jiro ciidamada Sheekh Attam ee ka socda Buuralayda Galgala xabsi la dhigay. Maxkamada ciidamada ee maamulka Puntland ayaa askartaas oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Puntland gaar ahaan ciidamada daraawiishta ku xukuntay min Saddex sanno oo xarig ah kadib markii lagu eedeeyay inay diideen ka qeyb qaadashada dagaallada ka socda Galgala, isla markaana ay ka soo dhuunteen deegaanka Galgala, hubkii loo siiyay inay ku dagaalamaana ay kala soo goosteen ciidamada puantland ee ku sugan jiida hore ee deegaanka Galgala. Siddeeda askari oo maanta la xukumay ayaa waxaa lagu magacyadooda soo gaarsiiyay saxaafadda xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada qabalka sida ee maamulka puntland Dr. C/kariim Xasan Firdhiye, waxayna kala yihiin. 1- Saddex Alifle, Nuuradiin Salaaf Axmed kana tirsan Uruurka 26aad 2- Dable, C/llaahi Maxamed Xirse . 3- Dable, C/salaam Warsame Xirse 4- Dable, Cabdi Axmed Maxamed 5- Dable, Rooble Maxamed C/qaadir 6- Dable, C/fataax Sheekh Mukhtaar 7-Dable, Faarax Maxamed Barre 8- Dable, C/qaadir Cali Aadan Ma aha markii ugu horraysay oo ciidamo ka tirsan Puntland ay ka goostaan ciidamada ku sugan jiidda hore ee Galgala, waxaana jira ciidamo hore uga goostay jiidda dagaalka Galgala oo u galay kuwa Sheekh Attam iyo sidoo kale kuwo u galay Jabhadda SSC. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xudeedi Posted October 6, 2010 More sources: http://www.puntlandpost.com/newspage.php?articleid=13150 Quote Share this post Link to post Share on other sites