Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo dalka ku soo Laabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Qaranka oo dalka ku soo Laabtay

 

IMG-20240109-WA0014.jpg

IMG-20240109-WA0015.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye guuto Cabbdi Cabdillaahi Xasan iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Haargeysa ku soo dhaweeyay weftigii Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ee hawlaha shaqo u tagay dalka Itoobiya.

Taliyaha ciidanka qaranka ayaa kulamo iyo is afgarad ay wada yeesheen Taliyaha ciidanka millatariga Itoobiya field Marsha Berhanu Jula ay isla meel dhigeen iskaashiga labada ciidan intaa kadib.

Taliyaha ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa, iyadoo cadowga Somaliland ka naxay iskaashiga millatari ee Somaliland iyo Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this