Sign in to follow this  
Deeq A.

Laacibkii Dalka Jarmalka Franz Beckenbauer Oo Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Halyeygii reer Jarmal ee Franz Beckenbauer oo loo tixgaliyo inuu ka mid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanayd kubadda cagta ayaa geeriyooday isagoo 78 jir ah.

Waxa uu ku guuleystay Koobkii Adduunka isagoo kabtan u ah waddankii la odhan jiray Jarmalka Galbeed 1974-kii, wuxuuna mar kale qaaday koobka isagoo tababare ah 1990-kii.

Beckenbauer, oo ugu horeyn ahaa daafac ayaa u ciyaaray Bayern Munich 582 jeer, waxaana uu ku guuleystay horyaalka Jarmalka isagoo ciyaaryahan iyo tababare ah.

Waxaa lagu naaneesayay ‘Der Kaiser’, isagoo ciyaaryahan ah wuxuu sidoo kale ku guuleystay Horyaalkii Yurub 1972-kii, iyo Ballon d’Or oo uu ku guuleystey laba jeer.

War qoraal ah oo qoyskiisa ay siiyeen wakaalada wararka Jarmalka ee DPA ayaa u dhignaa sidan: “Aad baan uga xumahay inaan ku dhawaaqno in Franz Beckenbauer, uu geeriyooday isagoo hurdaya shalay oo Axad ah, ayna ku hareereeysnaayeen qoyskiisa.”

Waxa uu dhaliyay afar gool Koobkii Adduunka 1966, isagoo jira kaliya 20, wuxuuna ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka. Waxa uu u ciyaaray 103 jeer dalkii la oran jirey West Germany.

Beckenbauer waa mid ka mid ah seddexda nin ee ku guuleystay Koobka Adduunka isagoo ciyaaryahan ah iyo tababare labadaba, waxaa sidoo kale ku guuleystey Mario Zagallo oo Brazil u dhashay iyo Didier Deschamps oo France ah.

Zagallo waxa uu dhintay toddobaadkii hore isaga oo 92 jir ah.

Ciyaartoyga Bayern, Beckenbauer waxa uu ku guuleystay afar horyaal, waxaana uu ahaa kabtanka kooxda Jarmalka ee seddexda koob ee Yurub ku guuleysatay 1974, 1975 iyo 1976. Waxa uu sidoo kale Bundesliga kula guuleystay Hamburg 1982.

Ka dib markii uu ka tagay Bayern, Beckenbauer wuxuu u ciyaaray New York Cosmos, halkaas oo isaga iyo Brazilian-ka weyn ee Pele ay ahaayeen laacibiinta ee Horyaalka Kubadda Cagta Waqooyiga Ameerika.

Waxa uu ciyaaraha ka fadhiistay 1983, wax ka yar hal sanno ka dib, isagoo aan lahayn khibrad tababaranimo, ayaa loo magacaabay tababaraha xulka Jarmalka Galbeed.

Beckenbauer ayaa xulkiisa ku hoggaamiyay finalkii koobkii adduunka ee 1986 ee lagu qabtay Mexico ka hor inta aanu koobka qaadin afar sanno kadib, iyadoo kooxdiisu ay semi-finalka ku garaacday England isla markaana ay finalkii ka aarsadeen Argentina.

Beckenbauer waxa uu si kooban u maamulay Marseille 1990-kii, ka dibna waxa uu laba mar soo maamulay Bayern, isaga oo u wareegay maamulka kubadda cagta ka dib markii uu ka tagay doorka 1996-kii.

Waxa uu noqday madaxweynaha Bayern, waxa uu 1998 la wareegay guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubbadda cagta Jarmalka (DFB) waxaana uu hoggaaminayay guddiga Jarmalka ee ku guuleystay martigelinta Koobka Adduunka 2006.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this