Sign in to follow this  
Deeq A.

Israa’iil oo weerar culus ku qaadday Marinka Qasa iyo Xamaas oo ka hadashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Afhayeenka ciidamada Israa’iil Avichay Adraee ayaa ka warbixiyay duqeymo 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay ka dhacay marinka Qasa.

Wuxuu sheegay in ciidamada IDF ay “si qoto dheer” ay gudaha ugu galeen Khan Younis ayna “ka takhaluseen 40 xubnood oo argagixisiso ah”.

Dhanka badda, Adraee wuxuu sheegay in ciidamada badda Israa’iil ay weerareen goobo ciidan, bakhaarro iyo doomaha badda ee Xamaas ay isticmaalaan.

Hadalkaan ayaa imaanaya xilli dad ka badan toddobaatan qof oo rayid Falastiiniyiin ah ay ku dhinteen duqaymihii dhacay 24-kii saacadood ee la soo dhaafay isla markaana ay gaysteen diyaaradaha Israa’iil.

Wasaaradda caafimaadka Qasa ee Xamaas ay maamusho ayaa sheegtay in 57 dhimasho ah laga diiwaan geliyay cisbitaalka al-Aqsa 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay.

War qoraal ah oo lagu daabacay barta Telegram ayaa lagu sheegay in 65 qof oo dhaawac ah la geeyay cisbitaalka oo ku yaalla badhtamaha Qasa .

Isniintii, kooxaha gargaarka caalamiga ah ayaa sheegay inay ka baxayaan cisbitaalka, sababta oo ah weerarrada Israa’iil ee aaggas ayaa ah kuwo aan kala joogsi lahayn.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this