Xaaji Xunjuf Posted May 11, 2010 Wararkii ugu danbeeyay ee Waftiga Madaxwaynaha JSL oo Saaka ku soo guryo noqday magaalada Hargeysa halka dadka inta badan ka sugayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Berbera (Sawiro) Hargeysa (GNS)Wafti uu hogaaminayo madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa saaka ku soo guryo noqday Saaka aroortii , isagoo u baxay safar qaatay sadex todobaad soona maray wadamada Djabuuti, itoobiya Emaratka iyo wadanka Faransiiska oo qaatay safarka intiisa ugu badnayd, halkaas oo uu lakulmay madax ware oo katirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Faransiiska oo u hogaaminayo madaxda sare ee uu lakulmay Wasiirka arimaha dibada ee dalka Faransiiska Bernard Kouchner. Waftiga Madaxwaynaha JSL Daahir Riyaale Kaahin oo saaka si wayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Egal Internatiuonal airport oo uu saaka kasoo dagay, ayaa waxa soo dhaweeyay dad wayna aad u badan iyo madaxsare oo katirsan golaha wasiirada ,golaha baarlamaanka iyo golaha guurtida Somaliland, iyo madax sare oo ka tirsan xisbiga talada dalka haye ee UDUB. Saaka oo ilaa intii aanu soo dagin madaxwayne Riyaale ayaa waxa wadada tumnaa dadwayne badan oo luxayay calanka xisbiga UDUB waxaanay ku dhawaaqayeen haldhigyo ay ku taageerayeen madaxwaynaha JSL mudane Daahir Riyaale Kaahin. Madaxda xisbiyada mucaardika ah oo aan kasoo xaadirin goobta ayaa dhaliilay dhaafkii ugu danbeeyay ee madaxwayne riyaale dibada ugu baxay iyagoo sheegay in haatan wakhtiga lagu jiro aanay haboonayn in madaxwaynuhu dibada u baxo, waxaanay xisbiyada mucaaridka ah ku adkaysanayaan in haatan wadanka loo guntado sidii doorashada looga miro dhalin lahaa iyadoo laga ilaalinayo waxkasta oo carqalad galin kara doorashada la filayo inay ka dhacdo bisha Juun badhtankeeda. Waftiga madaxwaynaha oo saxaafada kula hadlay qolka martida ee garoonka ayaa war koooban ka siiyay socdalkisii uu dibada ugu baxay isagoo tilmaamay in socdaalkiisu uu dibad ugu baxay gaar ahaan wadanka Faransiiska uu ahaa guul. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 11, 2010 Welcome back Mr rayaale , doorashadii ma uu diyaar garoowday Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 13, 2010 VIDEO OF THE ARRIVAL Quote Share this post Link to post Share on other sites