Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha Caalamka oo War ka soo saartay doorashadii Puntland ka dhacday

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1704802728244.jpg?resize=720%2C48

WAR-SAXAAFADEED: Saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay soo dhoweynayaan gabagabada doorashada madaxtinimada Puntland ee 8da Janaayo 2024. Waxaan ku bogaadinaynaa shacabka Dowlad Goboleedka Federaalka Puntland sida nabadda ah ee ay hanaanka u qabteen.

Waxaan ammaanaynaa dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada lagu xaqiijiyay hannaan nabadeed laguna dhiirigeliyay dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan jawi nabdoon. Khilaaf kasta oo la xiriira doorashada waa in lagu xalliyaa si nabad ah iyadoo loo marayo habab sharci oo ku habboon.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si xooggan u dhiirigeliyaan ka-qaybgalka weyn iyo ka-qaybgelinta macnaha leh ee haweenka iyo dhallinyarada ee geeddi-socodka  mustaqbalka. Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay inaan sii wadno taageerada dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan maamulka dimuqraadiga ah iyo in horumar laga sameeyo si loo gaaro doorasho cadaalad ah, daahfuran, oo toos ah.

*Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Boqortooyada Sacuudi Carabiya (KSA), Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Poland, Qadar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Uganda, Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE), Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

The post Beesha Caalamka oo War ka soo saartay doorashadii Puntland ka dhacday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this