Sign in to follow this  
AYOUB

Ugaas Rooble: Daahir Rayaale inaan xaq ugu leeyahay inaan u sheego wixii khalad ah

Recommended Posts

AYOUB   

Hargeysa, May 18, 2005 (Haatuf)

Ugaas Cismaan Ugaas Doodi Ugaas Rooble oo ka mid ah Saldanadaha Qadiimka ah iyo madaxdhaqameedyada waaweyn ee gobolka Awdal ayaa markii u horaysay ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna waraysi uu wargeyska Haatuf xalay kula yeeshay gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa kaga waramay arimo badan. Laakiin waxa uu ku bilaabay hadalkiisa “Waxan doonayaa inaan si kooban u uftiimiyo xaaladaha maanta dalku marayo, dalka Somaliland waa dal marxalado badan soo maray oo leh taariikh dheer oo soo jireen ah, waxaana dalka lagaga dhaqmaa sharcigii Islaamka Xeer Soomaaliga iyo sharcigii gumaysigu inoo keenay, waxaana loo baahan yahay in lays waafajiyo saddexdaa oo ahmiyada la siiyo shareecada Islaamka iyo ku dhaqankeeda.

 

Maanta marka la eego xaaladaha xagga garsoorka ee maxkamaddaha in lagu jaah wareeray jago keliya oo taladeedii la furi la yahay, iyadoo aynu og nahay xeer soomaaligii inay jirtay xeer beegti oo ay waxyaabo ka waaweyn fur furi jirtay.

 

Maanta inagoo tirsanayna inaynu horumar gaadhnay oo aynu qabanay doorashooyin oo dastuur samaysanay oo doonayna inaynu doorashooyin kale galo, waxa nasiib daro ah iyadoo dedaal badan la soo sameeyay oo shacbiga iyo madax dhaqameedku kaw ka yihiin, iyadoo aynu ognahay dalkan bur-burkii iyo dagaaladii soo maray ee sokeeye iyo kuwii taliskii Siyaad Barre, waxay ummaddu filaysay, ama ay filaysaa haykalkaa dawladnimo iyo nabadgelyadaa la sii xoojiyo oo qofkii dhaliil ka sheega maamulka maanta jira ee aynu dooranay uu cadow yahay.

 

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa Nimaam run kuu sheegini Run kuguma hooyo, waxa jira waxyaabo badan oo ummadda loo balanqaaday, hadaan soo qaadano xagga horumarka dalka madax dhaqameedyadu maaha oo keliya inay ku jiraan dib u heshiisiin iyo xaalad dagaal ee waqtiga nabaddana waxay ku leeyihiin kaalin. Madaxweynahana waxa loo baahan yahay inuu ku xidhnaado. Marka aan tusaale usoo qaato madax dhaqameedyada gobolka Awdal kuma xidhna madaxweynhu, waxaana loo baahan yahay inay ku xidhnaadaan madaxweynaha oo marba xaalada ka jirta uga waramaan oo xog ogaal u yihiin oo ay kusii xidhnaadaan iyaguna madax dhaqameedyadii kale ee Dalka.

 

Siyaasiyiinta gobolka Awdalna kuma xidhna madaxweynaha inta ku xidhanina maaha in ummada kalsooni ka haysata ama ku xidhan bulshada, waxaana loo baahan yahay inay madax dhaqameedyada iyo siyaasiyiintu isku xidhnaadaan oo albaabka madaxweynahu u furnaado, markaa ka dibna lagu xidehnaado siyaasiyiinta kale iyo madax dhaqameedka kale ee Somaliland oo aanu madaxweynuhu noqon nin keligii taliye ah oo uu qaybiyo awooda ay ummadu siisay ku takri falkeeda, ama hanti ha noqoto ama awooda uu madaxweynaha ku yahay ha noqotee, waana mid meesha taal sidii loo sixi lahaa, maadaama uu madaxweynuhu yahay ninkii u horeeyay ee nin aan aqoon u lahayni ugaga riday foodka laas-caanood ilaa Saylac.

 

Waxa kale oo jirta in Somaliland doonayso citiraaf, mana aha citiraafku mid debeda inta diyaarado loo qaato laga doonayo ee wuxuu yaalaa dalka gudihiisa, waxa ina dhex jooga Hayado iyo dad kale oo ajinebi ah oo ay arkayaan xaqiiqada iyo cadaalad darada taalna ay maalin walba warbixin ka dhiibayaan aynu iska hor imaad isku samayno oo caalamka tusno inaan meesha waxba ka jirin, wax la qabtay way jiraan laakiin waa in sideeda loo qaato oo aan loo arag haduu mucaarid yahay iyo haduu madax dhaqameed yahayba inuu dalka duminayo ee ay tahay toosin, maamulkana inagaa dooranay, waxaan wadnaana maaha wax dumin iyo mucaaridad ee waa wax toosin. Citiraafkana waxan ku heli karaa marka ay is keenaan waxa dalka gudihiisa ka jira iyo warbixinta lagaa bixinayaa.

 

Marka aad soo qaadato maanta waxa dalka ka dhacay dhibaatooyin ka dhashay daadadkii, waxa jirta dawlad, shicib iyo ganacsato, haday wadaninimo jirto cashuurta maalin keliya la qaado jaadka ayaa lagu dhisi kari lahaa Biriishkaa Hargeysa ee daadku gooyay, mana aha in la dafiro xaqaaq’iqa noocaa ah ee jira maanta ee waa inay wax iska bedelaan xaaladaha maanta jira ee aynu arkayno.

Waxaana munaasibada maanta ee 18May salaan u dirayaa Ummada Somalilanda, meel kasta oo ay joogaan.â€[/b ]

 

Ugaadka oo la weydiiyay sababta uu waqtigan ugu beegay hadalkiisa iyo dhaliisha uu xukuumada u jeediyay, waxa uu yidhi “way jirtay inaan mar ka mid ahaa madax dhaqameedyadii ka hor yimi Marxuum madaxweyne Cigaal, balse waqtigaa waxa jirtay inaan ugu badheedhay khayriyada Boorama inaan idhaahdo haloo codeeyo UDUB, anigoo aan xisbi ahayn, anaguna mansab doon maanu ahayn oo ina Cigaal Mansab kama aanu doonayn ee wax toosin ayay ahayd. Maantana waxa la marayaa sannadkii saddexaad, marakaa waxan filayaa inay ku fulan tahay mudaa Daahir Rayaale inaan xaq ugu leeyahay inaan u sheego wixii khalad ah inuu ka leexdo.Mana jiraan wax gaar iigu yimi aniga ee waxan wax la qabaa madax dhaqameedyada Somaliland. Laakiin dareenka aan muujinayaa ee I kiciyaana waa kaa shacbiga Somaliland â€

 

Ugaaska oo la weydiiyay sida uu u arko dhaq dhaqaaqa nabad raadinta ee arinta Sool iyo waxa keenay in aanu arimahaa oo ay lug weyn kuy leeyihiin madax dhaqameedku ka dhex muuqan, waxa uu yidhi, “waxaad moodaa ragga maamulka hayaa in marka ay dan leeyihiin ee doorashooyin iyo wax jiraan ay u yeedhaan, marka ay hawshooda dhamaystaana ay ka kaaftoomaan. Aniguna is amaani maayo oo in badan oo ila mid ahina way jiraan, waana run oo kama muuqdo, waxayna jirtaa isaga iyo xukuumadiisa cida ay u yeedhayaan, laakiin madax dhaqameedyadu aniga waxay iga mudan yihiin salaan iyo sharaf.

 

Soolna waa gobol Somaliland ah oo madax dhaqameedyadoodu ku jireen heshiiskii Beelaha ee laga soo gudbay maanta oo ay heshiis ku ahaayeen inay Somaliland yihiin, waana dad walaaleheena. Waana in loo daayo arintaa xalkeeda madax dhaqameedyada.â€

 

Mar la weydiiyay ujeedada hadalkiisu inay tahay in xukuumadu wax ka qabato dhaliilaha loo soo jeedinayo, waxa uu yidhi “waxa jira dhaliilo aan dafiri karin. Dadkana hanti ma wada gaadho ee cadaalad ayaa wada gaadha, waxaana jira waxyaabo aan qarsoomi karin oo ay ka mid tahay taa Biriishku, waxaana ku filkan qof muwaadin ah oo la yidhaahdo wax ka qabo. Aniguna waxaan ka turjumayaa dareenka shacabka.â€

 

.......................

 

What can I say but hear hear!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this