Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Police Capture Thieves and Witches

Recommended Posts

SDWO (Hargeisa 25/08/07) Caasimada Magaalada Hargeysa waxa ku sii badanaya tuugta dadka habeenkii guriyaha ugu dhacda oo ay dadku aad uga qaylinayaan. Tuugtan ayaa iyagoo u socda tiro ka kooban 4 – 6 nin ay guryaha u dhacaan iyago sita hub isku jir mindiyo, faashash iyo baangado ay kula dagaalmayaan hadii dadk guriga hurdaa ku toosaan, Tuugnan ayaa isugu jirta laba nooc tuug yaryar oo guryaha caadiga ah u dhacda oo qaata wixii ay helaan sida dharka daarada ku wadhan iyo kabaha daarada lagaga tago iyo Tuug waaweey oo iyagu inta badan sahansata guryaha waaweeyn ee dadka ladani ku noolyahiin oo inta badan ka xada tv yada, satalaytyada, iyo waxyaabaha kale ee elektoriiniga ah. Wararka qaarna waxay sheegayaan inay jiraan tuug hubaysan oo guryo inteey jabsadeen dadkii intay qoryo ku qabteen baadheen kana qaatay wixii ay hasteen.

 

Waxaad maalinwalba maqlaysaa guryo tuug u soo dhacay, iyadoo aad xataa imika maqlaysid iyadoo tuugtu u dhacays xafiisayda ururada bulshada kana qaadanaya computerada iyo wixii qalab ee kale ah ee yaala. Ururada bulshada ee loo dhacay waxa ka mid ah ururka Dalada isku xidhka dhaliyarada ee Sonyo oo aan booqday maalintaas oo dhacay iyadoo xataa laga qaatay wixii faylal ahaa ee xafiiska yaaley.

 

Booliska Somaliland ayaa mudadiiba mar sameeyay arimo nabadgelayada caasimada lagu sugayo oo lagu raadinayo nimankan tuugta qawlaysatada ah ee magaalada ka dilaacday. Habeen hore ayaa hawlgal ay fuliyeen ciidmada boolisku waxay ku soo qaqabeen ilaa 33 qof oo iskugu jira tuug iyo sixroolayaa oo laga soo kala qabtay xaafadaha kala duwan ee caasimda Hargeysa, waxa kale oo hawgalkaas lagu soo qabtay 12 caagadood oo khamri ku jiro. iyadoo arintaas uu ka hadlayo taliyaha booliska Somaliland wuxuu sheegay in si degdeg ah dadkaas la soo qaqabtay loo horgeyndoono maxkamada.

 

Waxa magaalada Hargeys iyo hareeraheeda ku sii badanayay falal denbiyeedyo aan hore dalka ugu dhici jirin sida sixroolayaasha, sidoo kale waxa lagu qabtay magaalada Hargeysa nin lagu sheegay inuu qabo xanuunka dhiiga dadka jecel, kaasi oo isku dayey inuu ilmo yar oo 3 jir ah oo hooyadii ku ag ciyaarayey uu la baxsado. Ninkan oo lagu qiyaasay dadiisu inay u dhaxayso 45 - 50 jir waxa uu ku xidhanyahay saldhiga dhexe ee boolsika Hargeysa. Ninkan oo warandheer sitay ayaa markuu ilmaha la cararay waxa ilmaha lugaha qabsatay hooyadii dhashay oo qaylisay halkaasii oo dhaliyaro maraysay iyo niman kale oo gaadhi watay ay kaga rideen, ka dibna boolisku soo gaadhay oo ninkii halkaas lagu qabtay, ninkan ayaa diiday inu magaciisa sheego ama uu la hadlo booliska isagoo maryahiisana ay dhiig badni ka muuqdeen. Sidoo kale waxa dararweyna lagu qabtay nin kale oo la sheegayo in uu tuulada Ilimaha weyn uu ku qashay ilmo yar oo isna la qabtay isagoo dharkiisu wada dhiigyahay.

 

Laba wiig ka hor ayay hayd markii laba caaruura oo la gawracay laga helay duuleedka tuulada abaarso iyadoon ilaa hada cid loo qabtay aanay jirin arinkaas, dadkuna aad isku weeydiinayo cida ka danbaysay dilka caruurta iyo ujeedada laga lahaa.

 

Guled Cabdi Sheekhaash

 

Hargeisa SDWO News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

No, they simply touch you on the shoulder when walking then you'll give all the money you have in your bockets ........... you won't realize until they are gone.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this