Deeq A. Posted January 8, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Eritrea, isaga oo goordhow ka duulay garoonka Aadan Cade oo ay kusii sagootiyiin mas’uuliiyin kala duwan. Xasan Sheekh ayaa ayaa Eritrea u aaday wada-hadallo gaar ah oo uu lasoo yeelan doono dhiggiisa dalkaas, Isaias Afwerki, sida ay shaacisay Villa Soomaaliya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo ugu amba-baxay dalka Eriteriya, halkaas oo uu kula kulmi doono Madaxweynaha dalka Eriteriya mundane Isaias Afwerki” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kulankan lagu soo qaadi doono xiisadda ka dhalatay heshiiskiiskii ee ay kowdii bishan wada gaareen Somaliland iyo Itoobiya. Madaxweyne Xasan ayaa tan iyo markaas raadinayay taageearada waddamada gobolka iyo caalamka, isaga oo la xiriiray madaxweynayaasha Masar, Turkiga iyo Amiirka Qatar. Sidoo kale madaxweynaha ayaa xiriir toos ah la sameeyay ururka Midowga Yurub oo uu uga mahadceliyay, sida ay garab istaagga ugu muujiyeen madax bannaanida Soomaaliya. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa inta uu joogo waddanka Eritrea booqan doono ciidamada Soomaaliyeed ee weli tababarka ku qaadanaya gudaha dalkaasi. Booqashadan waxaa ka horreeyay kuwa kale oo uu horay madaxweynuhu ugu bixiyay Asmara, kadib dib u doorashadiisii oo uu ku laa laabtay, sababo la xiriira ciidamada Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalkaas, kuwaas oo qaarkood haagan dib loo soo celiyay.The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo u dhoofay ERITREA + Ujeedka appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites