Deeq A. Posted January 8, 2024 Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay doorashada maamul goboleedka Puntland ee maanta ka dhacday Garoowe, taas oo mar kale xilka madaxweynaha dib loogu doortay madaxweyne Deni. Ugu horreyn dowladda Soomaaliya ayaa Deni ugu hambalyeysay guusha uu ka gaaray doorashadii xasaasiga ahayd ee ka dhacday magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. “Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale loo doortey inuu sii hayo talada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale waxaa dowladdu ay u rajeysay madaxweynaha dib loo doortay inuu eebbe u fududeeyo mas’uuliyadda culus ee mar kale loo igmaday. “Waxa ay Dowladda Soomaaliya u rajeyneysaa Madaxweynaha la doortey inuu Ilaahay u fududeeyo gudashada waajibaadkiisa shaqo” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu boggaadiyay shacabka Puntland, musharraxiintii tartantay iyo baarlamaanka, sida ay u wajahayeen doorashadii adkeyd ee maamulkaasi. “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ugu dambeyn ku bogaadineysaa shacabka , musharixiinta iyo baarlamanka Puntland sida hufan ee nabadda leh ee ay uga soo wada shaqeeyeen qabsoomidda doorashadan muhiimka u ah horumarinta dowlad dhiska Soomaaliya ” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka kasoo baxay dowladda federaalka. Dhinaca kale qoraal uu soo saaray Ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa uu uga hadlay doorashada Puntland, isaga oo farrriin hambalyo ah u diray madaxweynaha cusub “Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland. Waxaan u rajeynayaa Madaxweyne Deni inuu Alle u fududeeyo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay” ayaa qoraalkiisa ku yiri ra’iisul wasaaraha oo ay horay isku qabteen ninka lasoo doortay. Dib u doorashada Deni ayaa kusoo aadeysa, ayada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee kala dhexeeya dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh. Qabashada doorashada ayaa meesha ka saareysa xaaladdii adkeyd ee ka jiray Puntland, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada maanta soo dhammaatay.The post Maxay DF Soomaaliya ka tiri dib u doorashada Saciid DENI? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites