Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Officials Arrive Buuhoodle

Recommended Posts

Col Axmed Maxamed (Dalbac) oo gaadhay degmada Buuhoodle,iyo xaaladii ugu danbeysey ee Buuhoodle

 

 

Col Axmed Maxamed Aadan Guul(Dalbac) iyo ciidan uu wato ayaa shalay gaadhay degmada Buuhooodle,isagoo ay weheliyaan ciidan aan sidaas u badnayn iyo gawaadhida tiknikada loo yaqaan,wuxuuna shirar la leeyahay odayaasha iyo waxgaradka magaaladaas,iyagoo ka wada hadlaya sidii loo qaboojin lahaa xaalada amaan ee deegankaas,isla markaana loo wada hadli lahaa.

 

Imaanshaha Dalbac ee Buuhoodle ayaan wax isbedel ah magaalada ku samayn,iyada oo ay halkaas horay ugu sugnaayeen qar ka mid ah madaxda hogaanka SSC,sida Xagla-toosiye iyo kuwo kaleba,waxaase magaalada weli ka maqan boqolaal dadkii magaalada degenaa ah,kuwaasoo u qaxay tuulooyinka ku xeeran magaalada.

 

Waxaa sidoo kale iyaguna ku sugan magaalada wafti ka yimid dhinaca Garoowe oo ay ka mid yihiin wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Puntland,kuwaasoo asal ahaan ka soo jeeda degmada Buuhoodle,waxayna xalay wareejiyaan qoryihii itoobiyaanka laga qabsaday badankoodii,iyadoo ay weheliyaan odayaasha degmada.

 

Taliyaha Qaybta Bilayska magaalada Buuhoodle ee Somaliland Cabdikariim Ismaaciil ayaa noo sheegay in xaaladu hada ka soo raynayso,wuxuuna noo sheegay in ciidamo badan oo ka mid ah Itoobiyaankii ay durba guureen.

 

" Nabada magaaladu hada waa ka soo raynaysaa, arimaha ay u yimaadeen Buuhoodle ayaa ugu weyneyd arimha doorashadii ka dhacaysey Itoobiya,doorashadiina waa u dhamaatay hada,markaa inay dhamaan ciidamadooda la baxaan baan filaynaa,iyagana maanta ayaan ka filaynaa inay soo wareejiyaan gawaadhidii ay haysteen"sidaas waxaa yidhi Taliyaha Qaybta Bilayska magaalada Buuhoodle ee Somaliland Cabdikariim Ismaaciil oo aan la xidhiidhnay isaga oo ku sugan degmada Buuhoodle.

 

Dhanka Itoobiyaanka ayaan ilaa iyo hada qaadin talaabo fiican oo aanay weli sii dayn gawaadhidii iyo waxyaabihii kale ee ay dadka ka qabsadeen,arintaas oo ay balan qaadeen inay fulin doonaan.

 

Waxaa dhamaan dadka reer Buuhoodle isha ku hayaan talaabada ay qaadaan ciidanka itoobiyaanka ah,oo 8 qori loo keenay,meesha hal qori la waayey.

 

Dhanka kale waxaa sida ay noo xaqiijiyeen dad xog ogaal ahi wadahadal khadka taleefoonka ah yeeshay shakhsiyaad ka mid ah hogaanka SSC iyo saraakiisha iyo madaxda Somaliland,iyaga oo ka wada hadlay in colaad ka dhacda deegaanka Widhwidh la baajiyo,oo arimaha deegaankaasna lagu xaliyo si nabadeed.

 

Ilaa iyo hada ma cada waxa laga wada hadlay,iyada oo la xaqiijiyey inay jiraan dhaqdhaqaaqyo nadabeed oo ay odayaal labada dhinac u kala dab qaadayaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
A_Khadar   

Originally posted by NGONGE:

Officials
in military uniforms?
:D

These are very old pics... I remeber them when were taken back in the starting of buhodle airport. They supposed to stop the airport..

 

old post ..

 

After all, it's another project to make money from Riyale and desperate successionists. Plus after all afnugaal is reporting it..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by A_Khadar:

quote:Originally posted by NGONGE:

Officials in military uniforms?
:D

These are very old pics... I remeber them when were taken back in the starting of buhodle airport. They supposed to stop the airport..

 

..

 

After all, it's another project to make money from Riyale and desperate successionists. Plus after all afnugaal is reporting it..
Mr. Bugland waa laqabtay. :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Originally posted by A_Khadar:

quote:Originally posted by NGONGE:

Officials in military uniforms?
:D

These are very old pics... I remeber them when were taken back in the starting of buhodle airport. They supposed to stop the airport..

 

..

 

After all, it's another project to make money from Riyale and desperate successionists. Plus after all afnugaal is reporting it..
Enough is Enough with the dishonest news!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this