Sign in to follow this  
Deeq A.

Xisbiyada mucaaridka oo diiday in ay la kulmaan Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiyada mucaaridka Somaliland oo diiday in ay la kulmaan Muuse Biixi si uu ugu sharrixi lahaa heshiiska Itoobiya uu la soo gaadhay iyaga oo taagan in heshiiska golaha wakiilada la geeyo

Hargeysa(Qaran news)-Xisbiyada mucaaridka Somaliland oo haysta taageerada aqlabiyada dalka isla markaasina haysta aqlabiyada golaha wakiillada iyo xildhibaannada golayaasha deegaanada dalka oo dhan, sidoo kale xisbiyada mucaaridku waxa ay Maayaro ka yihiin badiba magaalooyinka waaweyn ee Somaliland oo ay ku jirto magaalada Hargeysa oo ah caasimada Somaliland , sidoo kale magaalooyinka Burco, Borama. Ceerigaabo iwm

Xisbiyada mucaaridka ee WADDANI iyo UCID ayaa maanta ku gacan saydhay in ay la kulmaan madaxweyne Muuse Biixi Cabdi si uu ugu qanciyo ama sharaxo heshiisyadii is afgaradka ahaa ee la gaadhay dalka Itoobiya ee loogu ogolaanayay bada Somaliland in ay ka samaystaan saldhig Milatari.

Arrinkaasi oo ay xisbiyada mucaaridku sheegeen in ay doonayaan in ay arkaan oo dersaan.

Sidoo kale xisbiyada mucaardku waxa ay xukuumadda ugu baaqeen in heshiiska la keeno golaha wakiillada si sharciga dalka u yaalla loo waafajiyo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this