Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Itoobiya oo la wareegtay laba kamid ah ceelasha shidaalka Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Abiy-Ahmed-Muuse-Biixi.jpeg?fit=2048%2C1

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya, Maxamed Cali Xagaa oo wareysi bixiyay ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan dhulka la siiyay Itoobiya, kadib heshiiskii ay Addis Ababa kula galeen maamulka Somaliland.

Xagaa ayaa shaaca ka qaaday in dhulkaasi uu leeyahay kheyraad fara badan, ayna ku yaallaan laba ceel oo shidaal ah oo horay baaris loogu sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa ku jira meeshaan ay rabaan in la siiyo Itoobiya laba ceel oo shidaal ah oo horay baaris loogu sameeyay” ayuu yiri wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya.

Somaliland ayuu ku eedeeyay inay khayraadkaas uu Alle siiyay dadka Soomaaliyeed ay u gacan gelineyso  wax uu ku sheegay cadow oo uu kala jeedo dowlada Itoobiya.

“Khayradkaas iyo kuwa kale oo uu Alle ku maneystay baddeena iyo dadka Soomaaliyeed ayaa waxaa gacanta loo gelinayaa cadow” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu weerar culus ku qaaday ninka saxiixay heshiiskaas oo ah Muuse Biixi Cabdi, wuxuuna sheegay in dhibaato u horseeday Ummadda Soomaaliyeed.

“Tallaabada uu Muuse u horseeday Soomaalida waa taariikh madow oo nin weyn oo 80 jir ah oo ciidan soo ahaa oo canshuurtii dalka wax lagu soo baray inuu maanta yiraahdo Itoobiya oo aan ognahay cadawaadda naga dhexeyso waa nasiib darro” ayuu yiri Xagaa.

Somaliland iyo Itoobiya ayaa todobaadkii hore heshiis is-afgarad ku gaaray Addis Ababa, kaasi oo Somaliland ku beddelatay in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal madax-banaan.

Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland ay siineyso Itoobiya dhul-badeed dhan 20 km oo ay degaan ciidankooda badda, kaasi oo uu sheegay inuu yahay kiro.

Heshiiska ay Addis Ababa ku gaareen ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa la kulmay dhalleeceyn xooggan, maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

The post Xog: Itoobiya oo la wareegtay laba kamid ah ceelasha shidaalka Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this