Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh: Amiirkii Cumar bin Cabdicaziiz ee ku caan baxay cadaalada laguna tilmaamo khaliifkii 5aad.

Recommended Posts

Deeq A.   

Abuu Xafsa Cumar bin Cabdicaziiz bin Marwaan bin Xakam al-Umawi,wuxuu ka mid ahaa Khulafada Umawiyiinta, waxa uuna taliyay Intii u dhaxeesay 99H-101H\ 717-720, waxa uu ku caan baxay cadaaladiisa heer lagu tilmaamo khaliifka shanaad ee islaamka.

Noloshiisa Hore.
Cumar bin Cabdicaziiz waxa uu ku dhashay magaalada Madiina 680 miilaadi.

Aabihiis waa cabdicaziiz bin marwaan, waxa uu la dhashay camdimalik bin marwaan, mudo dheer ayuuna ka talin jiray masar, waxa uuna ka tirsanaa qoyska umawiyiinta ee talada haayay, cumar hooyadii waxaa la oran jiray Layla bin caasim oo awoow u ahaa cumar bin khadaab , waxaana shaki ku jirin in abtiyaashiis ee ku yeesheen saameyn aad u weyn, waxa uu qeyb ka mid ah noloshiisa ku qaatay masar oo aabihiis maamuli jiray, waxa uu wax ku bartay madiina, halkaas ay joogeen saxaabo badan iyo taabiciin waaween, dadka uu wax ka bartay waxaa ka mid ahaa saalax bin kiisaan, saciid bin musayyib, saalim bin caldilaahi, iyo sahal bin sacad, aanas bin maalik ayaa amaanay salaadiisa wuxuuna ku tilmaamay inay u egtahay salaada nabiga scw.
Xaga waxbarashada cumar qof aad ugu dadaala ayuu ahaa, quraanka ayuu yaraanta ku xifdiyay sidoo kale axaadiista iyo axkaamta sharciga ayuu wax badan ka daraaseeyay, waxaa la sheegaa inuu ooyi jiray mar walba oo dhimashada la xuso.

Xilalka uu soo qabtay ka hor khilaafada.
waqtigii waliid bin cabdimalik sandii 87H Waxaa madax looga dhigay magaalada madiina, mudo yar kadib xijaaz oo dhan ayaa loogu daray, wuxuu ka sameeyay madiina gole wada tashi oo loo yaqaan fuqahada tobanka ee madiina, wuxuuna sheegay in uu ku socon doono taladooda.

Intii uu madax ka ahaa madiina wuxuu balaadhiyay masjidka nabiga isagoo fulinaya amarka waliid bin cabdilmalik, wuxuuna ka yeelay 200 dhudhun × 200 dhudhun, waliid ayaa soo xajiyay 91H wuxuuna indhihiisa ku arkay wax qabadka cumar bin cabdicaziiz.

si kasta ha ahaatee cumar aad ayuu u dhaliilsanaa siyaasada dawlada Ummawiyiinta iyo dulmiga badan ee lagu haayo rayidka gaar ahaan siyaasada xajaaj bin yuusuf gudoomiyaha ciraaq oo caan ku ahaa ciqaabta daran uu ku hayey dadka, cumar wuxuu in badan waliid kala hadlay arimaha xajaaj, xajaaj isna wuxuu u arkay cumar inuu ku yahay caqabad waliid ayuu ku yidhi qaswadayaasha cumar agtiis ayey gabaad ka dhigteen waa inaa qof kale ku badashaa, waliid oo xajaaj hadalkiis qaatay ayaa xilka ka qaaday cumar.

Cumar wuxuu u soo guuray dimishiq walina kama hadhin raadinta cadaalada, oo wuxuu odhan jiray:-

«waliid oo shaam jooga, xajaaj oo ciraaq jooga, maxamad bin yuusuf oo yaman jooga, cusmaan bin xayaan oo xijaas jooga, iyo qura bin shariik oo masar jooga, walaahi dhulka dulmi ayaa ka buuxsamay»

Xusuus:-

Waxaan Taariikhdan ka soo minguuriyey Taariikhdu wixii ay ka qortay Amiirkii Muuminiinta ee Khaliifkii 5aad Cumar bin Cabdicaziiz.

Boga—wadahadal.

La soco Q-2aad.
Yusuf Janale
Oslo Norway.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this