Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Sidee maanta loo toogtay Taliye Suulnuug?

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_7308.jpeg?fit=1080%2C720&ssl=1

Wisil (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa galabta shahiiday Abaanduulihii guutada 18-aad ee ciidanka Gorgor, Gaashaanle Cabdi Maxamed Suulnuug, waxaana lagu dilay dagaal ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.

Caasimada Online waxay xog cusub ka heshay qaabkii loo dilay taliyaha, waxaana la hadalnay saraakiil ku sugneed goobta dagaalka.

Ciidanka ayaa saakay weeraray dhufeysyo ah Shabaab ka qoteen buurta Jeexjeex ee duleedka magaalada Caad, waxaana halkaas ka dhacay dagaal looga taag-roonaaday kooxda Al-Shabaab.

Ciidanku markii ay Shabaab ka saareen difaacooda ayaa la sheegay in taliyaha uu toogtay dagaalame Shabaab ah oo dhaawac looga tegay.

Xabad liif saar ah oo meel fog uu ka soo riday ninka dhaawacmay ee Shabaab-ka ahaa ayaa la sheegay in taliyaha ay uga dhacday meel u dhow wadnaha, dhaawacaas ayaa noqday mid culus.

Intaas kadib, ciidanka xoogga dalka ayaa dib uga baxay dagaalka, waxaana la qaaday dhaawacii Taliye Suulnuug, wuxuuna ku geeriyooday Shabeelow.

Dhaawaca Taliyaha waxaa loo sii waday Wisil, halkaas oo la doonayey in diyaarad Muqdisho ka soo baxday ay ka qaado, balse isaga oo meyd ah iyo dhaawaca askar kale ayaa laga qaaday Wisil.

Allaha u naxariistee Taliye Suulnuug wuxuu ahaa halyey ka tilmaamay fagaareyaasha dagaalka, waxaa jeclaa ciidanka uu hoggaamiyo, waxaana ka go’need in Al-Shabaab uu deg deg uga xoreeyo wadanka.

The post Xog: Sidee maanta loo toogtay Taliye Suulnuug? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this