Jacaylbaro Posted January 18, 2009 Iyadoo uu madaxwaynaha cusub ee DGPL uu caawa ku dhawaaqay golaha wasiirada ee xukuumadiisa ayaa waxaa soo baxaya isla cawaysnimadan caawa qaar ka mida masuuliyiinta uu magacaabay golaha wasiirada oo sheegaya inaysan qaban doonin xilkaasi uu magacaabay madaxwayne faroole. Dr.Saleebaan Ciise Axmed oo ka mid ahaa murashixiintii u tartamayay xilka madaxwayne ku xigeenka ee DGPL ayaa isla markaana uu caawa madaxwayne faroole u magacaabay Wasiirka kaluumaysiga iyo khayraadka bada ayaa isagu caawa u xaqiijiyay warbaahinta inuusan qabandoonin xilkaasi isla markaana uusan ka mid noqon doonin golaha wasiirada ee DGPL. Dr.Saleebaan Ciise ayaa wuxuu mahadnaq balaadhan usoo jeediyay Madaxwayne faroole isagoo sheegay inuu madaxwaynuhu ku mahadsan yahay magacaabistiisa balse uusan xilka kaasi uu umagacaabay uusan qaban doonin waa siduu hadalka udhigaye. Quote Share this post Link to post Share on other sites