Cowke Posted May 31, 2010 Faahfaahin Kasoo Baxaysa dagaal Ka Dhacay Magaalada Beledweyn May 31, 2010 Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaaya in halkaas ay isaga baxeen Maleeshiyada kooxda Xisbul Islaam ee halkaas ka ariminaysay. Ciidamada Dowladda Federaalka oo iyagu habeenimadi xalay dagaal kula wareegay garoonka diyaaradaha ee Ugaas Khaliif ee duleedka Beledweyne ayaa la sheegay in ay fariisin ka samaysteen Buurta Janta Kundishe oo aan aad uga fogeyn Beledweyn Maleeshiyada Kooxda Xisbul Islaam ayaa u baxsaday sida la sheegay dhanka iyo degmada Buulobarde,isla markaana iminka magaalada Beledweyn aan iminka cidna ka arimin. Qaar ka mid ah dadka deganaa magaalada ayaa bilaabay in ay halkaas isaga barakacaan iyagoo ka cabsi qabaa inuu dagaal culus halkaas ka dhaco,waxaana ay dadku horey u sameyeen barakac ka dib markii u fatahaad sameeyey Webiga Shabelle ka dib markii ay burburtay buundadii liiq liiqato. Khasaaraha ka dhashey dagaalada ka dhacey saaka iyo xalay agagaarka magaalada Beledweyn ayaa waxaa ku geeriyooday inta la ogyahay 6-qof oo isugu jira dad rayid iyo dhinacyadii dagaalamaysay. Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites