Sign in to follow this  
Deeq A.

“Marka aanu badda degno ka dib ayaanu eegi doonaa aqoonsiga ay Somaliland doonayso, Lughaya ayay noo sheegeen in ay tahay….”  Itoobiya oo war cusub soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Itoobiya ayaa sheegtay in ay Somaliland aqoonsanayso kadib marka heshiiska la dhamaystiro, ee lagu wareejiyo dhulka ay saldhiga ciidan ka dhisanayaan.

Lataliyaha Amniga Qaranka ee Raysal Wasaaraha Itoobiya Naasir Xuseen oo waraysi gaar ah siiyay warbaahinta dowladiisa, oo ka jawaabay walaacyada uga imanaya beesha caalamka, ayaa sheegay in Somaliland ay horeba u gashay heshiisyo kuwan la mid ah, sida kii dekeda Berbera ee 2017 kii.

Xuseen oo ka hadlay waxa ay Somaliland ku badalanayso heshiiska saldhiga ciidan, ayaa sheegay in marka heshiiska la dhamaystiro ay Somaliland aqoonsi siin doonaan, isla markaana ay shirkadooda duulimaadyada saami ka siin doonaan.

Xuseen ayaa markii ugu horaysay shaaca ka qaaday halka laga siin doono saldhiga ciidan, waxa uuna sheegay in madaxda Somaliland ay u sheegeen in ay dajin doonaan badda Lughaya, oo u dhaw xuduudka Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this