Sign in to follow this  
Deeq A.

JABUUTI oo markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii is-afgaradka ee Itoobiya iyo Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay ka hadashay heshiiskii qar iska tuurka ahaa ee ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi.

Heshiiskaas is-afgaradka ayaa Muuse Biixi uu sheegay inuu dhul-badeed 20 km ah kaga kireynayo Itoobiya, taas beddelkeedna Itoobiya ay si rasmi ah u aqoonsaneyso Somaliland.

Daa’uud Hummad oo ah afhayeenka aqlabiyadda ee madaxtooyada Jabuuti oo la hadlay warbaahinta RFI ee laga leeyahay Faransiiska ayaa sheegay inay doonayaan inay doorkooda diblomaasiyadeed ay ka cayaaraan.

“Marka hore, Jamhuuriyadda Jabuuti waxay ka xun tahay xiisad dheeraadda ah gaar ahaan mandaqada Geeska Afrika oo hore u soo martay xiisado soo noq-noqday, mushkiladda Soomaalida iyo tan Soomaaliyeedna waxay khusaysaa Soomaalida oo keliya. Annagu kuma faragelin arrimahooda gudaha,” ayuu u Daa’uud Humma u sheegay warbaahinta RFI.

“Waxa aan daacad ka nahay ballanqaadkeena diblomaasiyadeed ee mabaadii’da aasaasiga ah ee khuseeya caddaaladda iyo nabadda gobolka geeska afrika.”

“Jamhuuriyadda Jabuuti waxay soo jeedinaysaa in si Soomalinimo oo qoysnimo loo dhameeyo mushkilada, waa taladayada,” ayuu yidhi Daa’uud.

“Hadda waxa aan hayna madaxnimada meertada ee uruur goboleedka IGAD gaar ahaan Jabuuti oo khibrad u leh arrinta. Dalka Jabuuti waxaa uu hore dhex dhexaadin ka sameeyay oo uu u kala dab qaaday dhibaatada Suudaan ka dibna Soomaaliya iyo Somaliland. Dalka Jabuuti waxa uu diyaar u yahay inuu khibradiisa u soo bandhigo cidda ay khusayso,” ayuu intaas ku daray Daa’uud Humma.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this