Sign in to follow this  
Deeq A.

Weftiga Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo lagu soo dhaweeyay dalka Taiwan

Recommended Posts

Deeq A.   

Weftiga Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo lagu soo dhaweeyay dalka Taiwan

Hargeysa(Qaran news)-Guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka Somaliland, Mudane. Muuse Xasan Yuusuf, iyo wefti uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Taiwan.
IMG-20240105-WA00151.jpg
Waftigan uu horkacaayo gudoomiyaha doorashooyinka Somaliland ayaa waxa soo dhaweeyay guddiga dhexe ee doorashooyinka Taiwan iyo masuuliyiin wasaaradda Arimaha Dibada Taiwan.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Taiwan ayaa sheegtay in safarka xubnaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland lagu marti qaaday doorashada dhawaan ka dhacaysa Dalka Taiwan in ay goob-joog uga noqdaan hannaanka ay doorashadaasi u dhacayso.

Weftiga ayaa inta ay ku sugan yihiin Taiwan waxay la kulmi doonaan Wasiirka Arimaha Dibada taywaan Dr. Joseph Wu iyo madax kale oo ka tirsan dalkaas.

Labada Guddi dooraasho ee Taiwan iyo Somaliland ayaa waxay isweydaarsan doonan aqoon iyo khibrad dhinaca doorashooyinka la xidhiidha.

Labada guddi ee doorashada ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan xidhidhkooda si loo horumariyo dimuqraadiyadda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this