Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya iyo dal kale oo dibadeed midna waxba ka qaadaayo Somaliland, hase ahaatee ………..

Recommended Posts

Deeq A.   

IMG-20240101-WA00051.jpg

Soomaaliya iyo dal kale oo dibadeed midna waxba ka qaadaayo Somaliland, hase ahaatee

Hargeysa(Qaran news)- Culaysyo dibadeed iyo dagaal Somaliland dibadda kaga yimaadaa waxba lagaga qaadi karo. Waxase Somaliland dhibi kara khilaafka gudaheeda kaasi oo u baahan xal ay kaga samato baxdo oo hada u baahan ka hor tag waara

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi si aanu dalku god dheer ugu dhicin, waa inuu culayska saaraa sidii uu u qaban lahaa doorashooyinka isa saaran ee loo muddeeyay inay Somaliland ka qabsoomaan 13ka November ee sannadkan 2024ka, haddii doorashadaasi dhici weydo waxa suurtogal ah inay noqoto baa’ba Somaliland waana mid dhaawici karta heshiisyada ay hada xukuumaddu galayso oo ay xisbiyada mucaaridku soo dhaweeyeen xukumaddana ay ku xidheen in ay golaha wakiilada keento wixii la isku af gartay xukuumadda Itoobiya si shuruucda dalka u taala loo waafajiyo.

Sidaas darteed waa inuu madaxweynuhu ka dhabeeyaa qabsoomida doorashooyinka oo ah xalka badbaadada dalku ku jirto.

Madaxweyne Muuse Biixi si uu ugu hirgalo heshiiska taariikhiga ah iyo aqoonsiga uu Itoobiya ka dhaadhiciyay inay aqoonsato Somaliland, iyadoo loogu beddelayo marin baddeed kiro ah, waxa looga fadhiyaa inuu qabto doorashada oo uu dalka mideeyo kana fogeeyo damaciisa gaar ahaaneed

Soomaaliya iyo dal kale oo dibadeed midna waxba ka qaadayo Somaliland, hase ahaatee waxa cabsidu tahay haddii doorashooyinku mar kale dib u dhacaan inuu burbur gudaheeda ka dhashaa ku yimaado Somaliland.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this