Sign in to follow this  
Xoogsade

Dagaal xoogan oo ka dhacay Hotel Ramadaan oo lagu jabiyey Ciidamada Itoobiya

Recommended Posts

Xoogsade   

Warar goordhaweyd naga soo gaaray aagaga dagaaladu ka socdaan ayaa Dalkanews.com u sheegay in dagaal xooggan oo ka dhacay Hotel Ramadan lagu jabiyey ciidamo qoraxdhacii shalay si dhuumaalaysi ah ku soo galay Hotel ramadaan nawaaxigiisa.

 

Dagaalkaan ayaa xoogiisu ka dhacay hotel ramadaan, waxaana u suurto gashay Ciidamada Xaq-udirirka inay si xooggan uga adkaadeen kuwii naflacaariga ahaa ee isugu jiray Itoobiyaanka & dabadhilifkooda,

 

Warka ayaa intaas ku daraya in qasaare xooggan oo isugu jira Dhimasho, dhaawac loo gaystay, Maxaabiisna looga qabsaday,

 

Magaalada Muqdisho ayaa hadda subaxnimada ah mid deggan oo ka degan sidii shalay walow la maqlaayo xabadaha dhawaaqooda.

 

 

yaa ka dambeeyey soo galitaanka Hotel Ramadaan ee Ciidamada gumaysiga

 

Wararka soo gaaraya Dalkanews.com ayaa sheegaya in rag ka tirsanaa Shaqaalihii Shirkadda Banaadir oo kal hore Laga raacdeeyey shaqada soo hor kaceen, iyaga oo soo marsiiyey luuqyada soo gala Hotelka taasoo aanan laga filanayn.

 

sidoo kale waxaa dagaalka la socday maleeshiyada Maxamed dheere, C/qaybdiid & Maleeshiyo daacad u ah Cali geedi & Salaad cali jeele. waxaana u hirgashay inay soo galaan aagga Hotel Ramadan.

 

 

Posted by master on April 22 2007 02:16:25

 

http://dalkanews.com/news.php?readmore=58

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Col. Cabdi Xasan Cawaale (Qaybiid) oo siiyey Ciidamada Tigreega Nashqadii lagu burburin lahaa Suuqaweyn ee Bakaaraha.

 

 

Cabdi Qeybdiid oo dhowaan loo magacaabay Taliyahay Boliska Somaliyeed ayaa. Cali maxamed Geedi ku wareejiyey Nashqadii lagu Burburin lahaa Suuqa Bakaaraha, kadib maalintii loo magacaabay xilkaas, Isagoo Qeybdiid usheegay Geedi iyo Saraakiisa Tigreega in uu isagu uga aqoon badan yahay cid walba Xamar oo uukula dagaalay Ciidamadii Mareykanka iyo Taageerayaashii General Caydiid. Cabdi ayaa u sheegay saraakiisha in niman dhalin yaro ah oo Suuqa Bakaaraha ku leh Ganacsiyada waaweyn ay taakuleeyaan kooxaha ka dagaalamaya Caasimada ilaa kuwaas ganacsigooda laburburiyona aysan arinkaanu joogsaneyn marka waa in laburburiyaa dhamaan ganacsiga Bakaaraha, Wuxuuna taas ku cadeeyey in uu isagu guulo badan ku gaarey Madaafiic uula dhacay suuqaas sanadihii lasoo dhaafay sidaa awgeed ayaa Qeybdiid waxaa uu siiyey ciidamada Tikreega Nashqad ama Kaarto uu soo sameeyey oo uuleeyahay waa in sidaan loo bilaabaa oo laburburiyaa Suuqa Bakaaraha waxaana dadka oo dhan ogyihiin in Madaafiicda Suuqa Bakaaraha lagu garaacayo labilaabay maalintii Lamagacaaabay Qeybdiid. Wuxuuna ku yiri hadii arinkaas uu waxweyn ka bedeli waayo dagaalada ayku jiraan waxa uu uyaqaano Argagixisa in uusan wax qibrad meletiri ahba uusan laheyn wax shaqo ahna uusan ka qabadn doonin xukuumada Tikreega, Qeybdiid ayaa la ogsoon yahay waxyaabihii uu ugeystey dadka rayidkaa ee ku nool Caasimada Somaliya markii uu si arxan daro ah ugu tuuray Hoobiyeyaal sanadihii la soo dhaafay hadana kula talinay Tigreega in ay intii hartay sii laayaan. Nashqada ayaa laga hellay maanta Guriga Cali Maxamed Geedi uuka degan yahay Xamar Maruu wareysi siinayey Somaliweyn website waxaana ka balan qaadeynaa Aqrista yaasheena in aan usoo ban dhigi doono Nashqadaas oo toos ah. Insha Allaah.

 

http://dalkanews.com/news.php?readmore=59

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xoogsade   

Col. Abdullahi Yusuf oo Dacwad ka dhan ah Cali Geedi gaarsiiyey Melas Zanawe.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay magaalad Addis-abbaba ayaa waxay sheegayaan in abdullahi yusuf markii uu la kulmay Meles uu ku dacweeyey Geedi, isagoo ku ee deeyey arimo aad iyo aad u xasaasi ah oo ay ka midyihiin.

 

 

1.xilka qaadistii Buubaa markii ay isqabteen Ali america oo ah ninka safaarada kenya wakilka-ka ah, ayaa wararku waxay sheegayaan in Geedi uu la saftay Ali America,xilkiina uu ka qaaday Buubaa.

 

 

Waraka aanu ka soo xiganay dad aad iyo aad ay isugu dhow yihiin abdullahi yusuf ayaa waxay sheegayaan in Abdullahi Yusuf ka xumaaday xil kaqaadista Buubaa waayo Buubaa waxaa uu waday qorshe uu Abdullahi yusuf u dirsaday oo ahaa in xilka laga qaado Ali America loona dhiibo nin reer Puntland ah.

 

 

2.Yusuf waxaa kale uu ku eedeeyey Geedi, markii uu wafdi uu dibadda u aado Geedi waxaa uu xambaar ku ka xeeyaa dad gaaraya 50 qofood oo uu ku tilmaamayo in ay-yihiin wafdi isaga lasocda qofkiina waxaa uu ka qaataa $5.000 us ah.

 

 

3.Yusuf waxaa kale uu ku ee deeyey Geedi, Nairobi in Passporkii cusbaa oo hadda la soo sameeyey uu suuqa yaalo sidii kii hore oo kale qof walba lasiiyo lacagna laga qaato.

 

 

4.waxaa kale uu ku ee deeyey wixii caawinaada oo ay bixiyaan hey-adaha uu isagu jeebka ku shubto,marka dowladii oo dhan ay u shaqeyso sidii qaab NGO,waxaas oo idil waxaa ka mas-uul ah Geedi.

 

 

eedeynta C/llaahi yusuf ayaa ah mid daba socota qorshe uu rag barlamaanka ku jira uu u xil saaray oo uu ku yiri, mowshin waa in la diyaariyaa Geedi lagu tuuro.

 

 

waxaa kale oo in laxuso mudan in Abdullahi Yusuf oo Meles ka dhaadhicinayo in Geedi lagu badalo Ali Mahdi laakiin lama oga sida Meles arintaas u ogalaan doono.

 

 

http://dalkanews.com/news.php?readmore=57

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this