Jacaylbaro Posted May 14, 2009 Taliyihii ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta waxaa laga wareejiyay xilkiisa iyadoo sidoo kale la magacabay taliye cusub. kadib kulan ay maanta Xafiiska ra’iisul wasaaraha ku yeesheen wasiirada dowladda KMG Soomaaliya ayaa kulankaasi kadib wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya Farxaan Cali Max’uud oo saxaafadda shir jaraa’id ugu qabtay hoyga Ra’iisul wasaaraha ee magaalad Muqdisho waxaa uu ku sheegay in xilkii ay ka qaadeen taliyihii ciidanka xooga dalka general Sacdiid Max’ed Xirsi (Saciid Dheere). Wasiirku waxaa uu sheegay in xilkaasi loo dhiibay oo ay u magacaabeen talaye ku xigeenka ciidanka Booliska dowladda KMG Soomaaliya Yuusuf Cusmaan Dhumaal,waxaana uu xusay in Saciid Dheere laga dhigay taliyaha dhanka Ammaanka ee madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekhg Axmed. Wasiirka ayaa mar uu ka hadlayay Mucaaradka ka soo horjeeda dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu sheegay in sheikh Xasan Daahir Aweys uu doonayo in uu afgambiyo dowladda uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowladda KMG Soomaaliya waxaa uu warbixin ka bixiyay dagaalada maalmihii u dambeeyay ka dhacaya Magaalada Muqdisho iyo qasaaraha dadka rayidka ka soo gaaray. Waxaa uu tilmaamay in dagaaladaasi ay ku dhinteen 103-qofood halka sidoo kale uu sheegay in ay ku dhaawacmeen 420-qofood oo rayid ah sida ay ka ******** xariir ay la samneeyeen isbitaalada magaalada Muqdisho,waxaana uu sidoo kale carabka ku dhiftay in dagaaladaasi ay ku barakaceen in ka badan 18-kun oo qof oo rayid ah kuwaasi oo u adgeysan waayay dagaalada gudaha Magaalada Muqdisho ku dhexmaraya Mucaaradka iyo dowladda KMG Soomaaliya. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 14, 2009 Wararka hada naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia Shariif Sh axmed uu u magacaabayo Taliyaha Dagaalgalinta ciidamadajiida hore ee Dagaalka Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) oo sida madaxweynuhu sheegay muujiyay karti dheeri ah 8-dii maalmood oo dowladu kula jirtay dagaalka adag ciidamada Xisbul Islam iyo Al shabaab oo dhinac ah. Lama garanayo sababta madaxweynuhu u xushay Hogaanka ninkan Balse waxaa loo maleeynayaa inuu yahay qofka kali ah ee ilaa hada sida dhabta ah dowlada uga difaacay xoogaga Islaamiyiinta,Dhawaa n ayay ahayd markii aan soo dhignay bogan dayniilw.com Cod sir ah oo laga duubay Goobaanle oo leh ( saacadan laga bilaabo waxaa iigu jira dabagaab Al shabaabkii aan arko waan bireynayaa aniga ha i bireeyaan) Dhanka kale waxaa sii xoogeystay dagaaladii ka socday dhanka Isgoeyska siinaay iyo suuq bacaad iyo sidoo kale dhanka Sanca iyo shibis waxaana muuqata in ciidamadu dowladu ay maanta ka dhiiranaan badanyihiin sidii ay ahaayeen asbuucii la soo dhaafay. Ciidamada dowlada aan laagu baran in ay weerar qadaan ayaa saakay weeray gooba badan oo mucaaradka fadhiyey iyadoona tan loo aaneynayo musharadii shalay la siiyey iyo intee ka baxnaa meel alle oo micnaheedu yahay meel aan badda aheen in aysan u furneen taana waxay keentay saakay in dagaal aan ganbasho lahen la galaan xoogagii isaamiyiinta ahaa ee laga cabsan jiray Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted May 14, 2009 Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaanle) Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 14, 2009 Good move indeed, now when they lose they cant blame anyone but their idocity. Quote Share this post Link to post Share on other sites