Sign in to follow this  
General Duke

Minister Osman Ato heads for South Africa on government business:

Recommended Posts

Cusmaan Caato oo ku sii jeeda Dalka Koonfur Afrika

 

Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Cusmaan xasan Cali (Cusmaan Caato) ayaa lagu wadaa in dhawaan socdaal ku tago dalka Koonfur Afrika, halkaas uu uga qeybgali doona shir ay leeyihiin wasiiro Afrikan ah sida aan ka soo xignay qaar ka mid ah Saraakiisha Dowladda Federaalka ee soomaaliya.

 

Cusmaan Caato iyo wafdiga la socda ayaa la filayaa in maalinta Axada ka dhoofaan magaalada Nairobi oo dowladda soomaalida dibad joog ku ah tan iyo markii la dhisay, waxaana la filayaa in shirkaas ku soo bandhigaan arrimo ku saabsan dhinaca dib u dhiska & dayactirka kaabayaasha muhiim-ka ah ee ay dowladu u baahan tahay.

 

Waa shirkii ugu horeeyay oo Caalami ah oo ka qeybgalo Cusmaan Caato tan iyo markii u huub siibtay dhanka Dowladnimo dhamaadkii iyo bilowgii sanadkan, waxayna tani weji furan u noqonaysaa qabqabliyaasha dagaalka soomaaliya oo nolol cusub bilaabaya hadda.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Laba wefdi oo ay kala hogaaminayaan Cusmaan Caato & Daahir Riyaale oo shirar kaga wada qeybgalaya dalka K/Afrika

Nairobi

 

 

Maalinimada Axadda fooda nagu soo haysa ayaa la filayaa in wefdi ka socday dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya, uuna hogaaminayo wasiirka howlaha guud & guriyeynta Cusmaan Xasan Cali (Caato) in ay gaaraan dalka K/Afrika halkaasoo la sheegay in ay uga qeybgalayaan kulan heer wasaaradeed ah oo ay yeelanayaan wasiiro ka tirsan dalalka Afrika, waxaana wefdiga ka socda dowladda federaalka ay halkaasi ku soo bandhig doonaan baahida dowladda cusub ee ku wajahan dhinaca dib u dhiska & dayactirka kaabayaasha muhiim-ka ah ee ay dowladu u baahan tahay

 

 

Wefdi kale oo uu hogaaminayo madaxweynaha Somaliland Daahir Riyaale kaahin oo shalay ka ambabaxay magaalada Hargeysa kuna sii hakanaya dalalka Jabuuti & Itoobiya ayaa la filayaa in ay gaaraan dalka K/Afrika halkaasoo ay uga qeybgeli doonaan shirar ay wada yeelanayaan mas’uuliyiinka tirsan dalka K/Afrika & safaaradaha dalkaasi u fadhiya dalalka adduunka.

 

 

 

 

 

Ku noqo beejka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this