Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaam masaajid oo lagu dilay dalka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Imaamka masaajid ku yaalla magaalada Newark ee gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka ayaa la toogtay subaxnimadii Arbacada, welina gacanta laguma soo dhigin ciddi weerarkaas geysatay.

Shir jaraa’id oo ay qabteen mas’uuliyiinta gobolkaas ayaa waxay ku sheegeen, inay rumeysan yihiin in dilka Imaam Xasan Shariif uusan ahayn mid ay ka dambeeyaan kooxo argagaxiso.

Meydka Shariif ayaa laga helay banaanka masjidka Muhammad-Newark aroornimadii shalay, dhowr xabadood ayaana ku yaalay jirka marxuumka la dilay.

Waxaa looola cararay cisbitaal, wuxuuna markii dambe u geeriyooday dhaawacyada culus ee soo gaadhay.

“Baadhitaanada illaa haatan la sameeyay ma muujinayaan in falkaasi ahaa mid la xidhiidha argagaxiso’, sida uu wariyaasha u sheegay xeer Ilaaliyaha guud ee gobolka New Jersey, Matthew Platkin.

Guddoomiyaha gobolkaas, Phil Murphy, ayaa isna soo saaray bayaan uu ku dalbanayo in dadku soo bandhigaan cadeymaha ay hayaan ee la xidhiidha dilka Imaamka.

Waxaan doonayaa in aan u caddeeyo bulshada Muslimiinta ah iyo diimaha kaleba oo dhan in aan sameyn doonno wax walba oo aan awoodno si aan u ilaalinno dhammaan badqabka dadka, gaar ahaan kuwa ku nool aagagga goobaha cibaadada ayuu intaa raaciyay guddoomiyuhu.

Abaal marin lacageed oo gaareysa 25 kun oo doolar ayaa loo balan qaaday in la siin doono qofki soo hela macluumaadka toogashada imaamka masaajidka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this