Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalal Iyo Ururo Caalami Ah Oo Ku Gacan Saydhay In Somaliland Ay  Aqoonsi Hesho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalal iyo ururo caalami ah ayaa ku baaqay in la ilaaliyo madax-banaanida Soomaaliya iyo xasilloonida Geeska Afrika, kadib murankii ka dhashay is-afgaradkii ay saxeexdeen dalalka Itoobiya Somaliland 1-dii January.

Is-afgaradkaas ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sanno ah, halka Itoobiya ay Somailand u fidinayso aqoonsi caalami ah.

Mareykanka

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Matthew Miller, oo sheegay in dawladda Maraykanku ay ka walaacsan tahay xiisadda ka jirta gobolka Geeska Afrika, ayaa taageeray madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

“Waan aragnay wararkaas, waan ka walacsanahay, waxaan ku biiraynaa bahwadaagta kale [ee beesha caalamka] inaan ka muujino walaaca weyn ee aan ka qabno iyo xiisadda ka dhalatay ee Geeska Afrika. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan saamilayda inay galaan wadaxaajood diblomaasiyadeed, dawladda Maraykankuna waxay aqoonsan tahay madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xuduudaheedii 1960-kii,” ayuu yidhi Matthew Miller.

Ururka Iskaashiga Islaamka

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa garab is-taag u muujiyey Soomaaliya.

“Ayada oo ay ka go’an tahay ixtiraamka madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalalka xubnaha ka ah, si waafaqsan Axadiga Ururka Iskaashiga Islaamka (IOC) iyo xeerka caalamiga ah, iyo kadib Is-afgaradkii iskaashi iyo wada-shaqeyn ee Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii January 2024, Xoghaynta Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay muujinaysaa diidmadeeda ku saabsan ficil kasta oo ku xadgudbaya madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi bayaan kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka.

“Xoghaynta Guud waxay soo cusboonaysiisay garab istaagga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna adkeyneysaa baahida loo qabo in la ixtiraamo madax-banaanideeda iyo midnimadeeda dhuleed, lana ilaaliyo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka.”

Midowga Afrika

Dhinaca kale, qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Midawga Afrika, Moussa Faki Mahamat, ayaa lagu sheegay, “in Guddoomiyuhu uu si dhow ula socday xiisadda ka dhalatay saxeexa is-afgarad.ka”

Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo, midnimada iyo wada-jirka dhuleed, iyo madaxbanaanida buuxda ee dhammaan dawladaha xubnaha ka ah Midawga Afrika, oo ay ku jiraan Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Dawladda Federaalka ah ee Ethiopia.

Guddoomiyuhu waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo xeerarka deris-wanaagga, si kor loogu qaado loona adkeeyo nabadda, amniga iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

“[Guddoomiyuhu] wuxuu ku boorinayaa labada waddan ee walaalaha ah, in ay si aan dib-u-dhac lahayn, u galaan wadaxaajoodyo ay ku xallinayaan khilaafaadkooda, sida ugu waxtarka badan,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Midawga Afrika.

Midowga Yurub

Salaasadii, Midowga Yurub ayaa ku adkeystay in la ixtiraamo madax-banaaniada Soomaaliya kadib markii Itoobiya ay is-afgarad taariikhi ah la saxiixatay waddanka Somaliland.

Midowga Yurub ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay in ay “jeclaan lahaayeen in ay xusuusiyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay.”

“Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan,” ayaa lagu yidhi bayaanka afhayeenka Midowga Yurub.

Itoobiya iyo Somaliland oo difaacay is-afgaradka

Dhinaca kale, Itoobiya iyo Somaliland ayaa labaduba difaacay is-afgaradka.

La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaadhay Somaliland uu u gogolxaadhayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Sidoo kale, waxaa is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud oo sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka qaranka Somaliland.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this