Sign in to follow this  
General Duke

President Sharif Ahmed talking about Shiekh Sharif of old

Recommended Posts

610x.jpgMadaxweyne Sheikh Shariif oo Shir jaraa'id qabtay Galabatay>>>>

 

Moqdisho-(Allidamaal e):- Madaxweynaha dowladda labaxaday Midnimada Qaran Sheikh Shariif Sh. Axmed oo ShirJaraa’id ku qabtay Galabtay Xarunta Villa Somalia aya sheegay in ay ka go’antahay sii wadiida dagaalada ay kala horjeedaan Al-Xarakatul Al-Shabaab Al-Mujaahidiin iyo Xisbil-Islaam.

 

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Somalia Sheikh Shariif ayaa yimid kadib marku kulan kula qaatay Xafiiskiisa dariiqada Ahlu sunna Waljamaaca, ayadoo u madaxweynuhu sheegay dhinacyada kasoo horjeeda Dowladiisa aysan habayaraatee aqoon u laheyn Dinta Islaamka wuxuuna u madaxwynaha hadalkiisu u dhacay sidatan “waan is naqaana dadkan diinta sheeganaya kumana jiro qof masalo kalasoo bixi kara kitaabka, 95% aqoon uma laha dadkani dinta ay sheeganayaan, dagalkana marnaba joojin maayno ilaa qofka inoogu dambeeyo uu dhinto,Waxad lasoctaan in dadkaani laga soo taakuleeyo Eritrea,waxaana sidoo kale laga yimid Afganistaan,Pakistaa n iyo Ciraaq aydoo losoo raadsaday Soomaaliya jano, maxeytahay dadkaan musliiminta oo dhibaataysan Janaada loo soo doontay”

 

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo xiray wixii hada ka danbeya ineysan jirin sabaab ay gacmaha uga labtan wax dhacaya sabaabto ah waxaa loo socda ayuu yiri in dhiiga umada micna daro loo daadiyo.

 

 

 

wixii soo kordha kala soco Allidamaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheik+Sharif+Ahmed.bmp [/img] Mujahid Shiekh Sharif

 

“waan is naqaana dadkan diinta sheeganaya kumana jiro qof masalo kalasoo bixi kara kitaabka,
95% aqoon uma laha dadkani dinta ay sheeganayaan
, dagalkana marnaba joojin maayno ilaa qofka inoogu dambeeyo uu dhinto,
Waxad lasoctaan in dadkaani laga soo taakuleeyo Eritrea,waxaana sidoo kale laga yimid Afganistaan,Pakistaa n iyo Ciraaq
aydoo losoo raadsaday Soomaaliya jano, maxeytahay dadkaan musliiminta oo dhibaataysan Janaada loo soo doontay”

:D Classic

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sh.shariif Maxaa lagu tilmaami karaa?>>>

 

Sabti 06 Jun 2009

Maxad wayne Shariif sh.Axmed ayaa dadka bandankiisu is waydiinayaan title-kiisa mamadaxwaynaha dowlada midnimada qaranbaa? Mahogaamiyaha garab kamid ah ururkii midowga maxkamadaha la’oran jiraybaa? Mahogaamiyaha beesha muduloodbaa? Mahogaamiye kooxeed kusoo biiray kuwii hore oo wali raadinaya ciduu hogaaminlahaabaa?

 

Su’aalahaas iyo kuwo kabadanba waxaa iswaydiinaya dadka soomaaliyeed oo kuwareeray magacyada badan oo ay maqlayaan markii laga hadlayo shariif sh.Axmed.

 

Sida aan ayaantaan maqlayno waxaan idaacadaha kadhagaysanaa jaraa’idadana ka akhrinaa ayadoo laleeyahay waxaa fooda isdaray ciidamada maxkamadaha dhinaca sheikh shariif iyo kooxaha kasoo horjeeda!. Ciidamadii hore ee dawladii C/laahi Yussuf na dagaalka kuma jiraan! Hadana waxaan maqalaa ciidamada dawlada iyo kooxaha mucaaradka ah ayaa dagaalaya!.

 

Hadana waxaan maqalaa ciidamada dawlada oo ay hogaaminayaan Salad Cali Jeele iyo Maxamed Dheere iyo kooxaha mucaaradka baa is hirdiyay! halkaasna waxaa kahadlay Salad Cali Jeele!. Hadana waxaan maqalaa beesha mudulood baa waxay isku dhaarsatay inay difaacdo dawlada sh.shariif!.

 

Intaas oo magac haduu madaxwaynahu adeegsado maxaa lagu tilmaami karaa?

 

Waxaa kale oo dadku iswaydiiyaan Aaway dawladii dib u heshiisiintu? Aaway xabashi baan wadanka kasaaraynaa? Waxaa dadka qaarki leeyihiin xabashida wadanka laga saarayey mawaxuu ahaa C/laahi Yussuf Axmed oo ahaan jiray madaxwaynihii hore ee dawlada shariif hogaan keeda sheegto hada, ileen qofka kaliya oo wadanka kabaxay waa asagee!.

 

Waxaan arkaynaa ragii oranjiray Ehtiopa baan wadanka kaxoraynaynaa inay hada ayagoo galbinaya soo galiyeen wadankii sida aan kamaqlayno Baladwayne. Cumar Xaashigii oran jiray bilad geesi baan kuqaatay dagaalkii 77 markii ay Ethiopia iyo Somaalia kudirireen dhulka ay naga haysato ayaan maqlaynaa in xabashi kasoo galbisay Goday ayagoo keenay Baladwayne si uu halkaas hogaamiye kooxeed uga noqdo.

 

Waxaad inbadan arkaysaa ayadoo la’iswaydiinayo soomaalida hogaamiya yaasheedu miyaysan ismaqlin markay hadlayaan!?. Miyayna ogayn in laga qorayo waxay idaacadaha kasheegayaan!?. Dadka masaakiinta ah oo 19 ka sano dagaalka macna darada ah lagu waday miyaysan orankarin enough is enough! Intaas nagu filan hogaamiye kooxeed cusub iyo mid hore oo reform lagu sameeyay midna marabno.

 

Soomali maanta waxay u baahantahay nabad iyo in xabada laga joojiyo uma baahna dad dhiig daadin u hamuun qabo, dadkii waa dhamaadeen waxna wadanka gudihiisay ku dacdaraysan yihiin waxna dibadiisa sidaan kamaqlaynay kuwa ku dacdaraysan liibiya oo guryahii ay kunoo laayeen iyo alaabtoodiiba inta laga qaatay gidaarada hurda! Yay sugayaan dadkaas!?.

 

Waxaan layaabay safiirka dawlada shariif u fadhiya liibiya oo yiri wadan koodii baa lagu celinayaa! Mawaxuu rabaa inuu laayo oo noloshoodaa dhibaysa!.

 

Ugu danbayn maxadax waynaha waxaa laga rabaa inuu meel iskugu bayro oo ama Madaxwayne doorto ama hogaamiye kooxeed. Shacabkana waxaa laga rabaa inay dantooda gartaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif "Cid ay dhaafayaan ma jirto raggaas, waa argagixiso, meeshey qabsadaan calan madow ayay ka surayaan"

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa guddi qaran u magacaabay tacsida Wasiirkii Amniga Qaranka iyo Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Magaalada Addis Ababa oo labadaba ku dhintay qarax ismiidaamin ah oo maanta lagula eegtay bartamaha magaalada B/weyn.

 

Madaxweynaha oo la kulansanaa qaar ka mid ah Wasiirada Dowladda sida Ra'iisul Wasaare kuxigeenada kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan, Prof. C/raxmaan Ibbi iyo C/waaxid Cilmi Goonjeex.

 

Waxaa uu si kulul u cambaareeyay dilkaas,isagoo ku tilmaamay qarax argagixiso oo u ku eedeeyay ururka Al-Qaacida, isagoona ku tilmaamay Cumar Xaashi shakhsi aaminsan in la soo celiyo qarannimada, sharafka iyo midnimada shacabka soomaliyeed.

 

"Cid ay dhaafayaan ma jirto raggaas, waa argagixiso, meeshey qabsadaan calan madow ayay ka surayaan calankii soomaaliyana waa tuurayaan, marka raggaas waa dad soomaalinimada diidan, shacabkana waxaan leeyahay yeysan is dhigin ha ka hortageen"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo si aad ah uga xumaaday geerida naxdinta leh ee ku timid Wasiirkiisii Amniga Marxuum Cumar Xaashi.

 

 

Waxaa uu si gaar ah u soo qaatay in kooxaha dowladiisa ka soo horjeeda aanay laheyn hadaf,waxaana uu tilmaamay inay dilayaan cid kasta oo ay u arkaan inay danahooda diidan tahay,waxaana uu tusaale ahaan u soo qaatay madaafiic xalay ay ku dhinteen dadka masaajid ku jiray.

 

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in ficillada ka dhacaya dalka ay yihiin inxiraaf lagu sammeeyay diinta islaamka waayo hirgelinta shareecada islamaaka waxaa asaas u ah shan tiir oo kala ah in qofka loo ilaaliyo diintiisa, naftiisa, maalkiisa, caqligiisa iyo cirdigiisa. dadka banneystay inay falka cumar xaashi lagu dilay inay inxiraaf ku sammeyeen diinta islaamka. inkastoo kooxahaasi hubeysan yihiin kuna xiran yihiin kooxda al-qaacida, haddana waa inaan u baabaca dhignaa.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this