Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo faahfaahiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland oo faahfaahiyay heshiiska Somaliland iyo Itoobiya

Hargeysa(Qaran news)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiska Itoobiya iyo xukuumadiisa, ayaa sheegay in aan la bixinin bada Somaliland, lakiin saldhig millateri Itoobiya laga kireeyay.

Madaxweyne Biixi oo maanta kusoo laabtay magaalada Hargaysa, ayaa sheegay in warka ah in bada la iibiyay aanay waxba ka jirin, isaga oo sheegay in heshiiska Itoobiya lala galay uu yahay mid loo eegay dastuurka iyo shuruucda Somaliland.

Waxaanu yidhi.”Waxa la yidhi oo aad maqasheen, Somaliland bad ayaa la iibiyay sawmaaha? Saylac ayaa xabashida laga iibiyay saw lama odhan?, dhulka Somaliland lama iibin karo, madaxweynana ma iibin karo, warkaasi waa ka cadawga ee kuwa sidaa lihi haddii loo dhiibo iyaga iibin lahaa”.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dastuurka Somaliland uu xaaraantinimaynayo, in la iibiyo dhulka Somaliland, isla markaana aanay ahayn wax dhici kara, waxa uu sheegay in heshiisku uu ku salaysanyahay waxa uu dastuurka Somaliland ogolyahay.

Waxaanu yidhi.”Itoobiya waxay daydayaysay meel ay dajiso ciidamadeeda bada, Somaliland 33 sanno waxay u dadaalaysay in ay hesho dowlada kowaad ee aqoonsata, Itoobiya ayaa maanta kamid ah”.

Waxa uu sheegay in heshiiskani uu Somaliland u furayo in dowladaha caalamku ay maalgashadaan, isaga oo sheegay in markii hore uu caalamku dhaqaalihiisa ku aamini la’aa, madaama oo Somaliland anay haysan aqoonsi.

Waxa uu sheegay in dowlada Soomaaliya aanay diidin in bada la kireeyo, laakiin kali ah ay rabtay in ay iyadu saxeexdo.

Waxaaanu yidhi.”Xasan Sheekh, dowladiisa iyo wixii iska daba hadlay oo dhani waxay kusoo ururiyeen waxay ahayd in anaga nala soo maro”.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this